Indonesia: dhulgariir 97 dilay 14 masaajidna burburiyay

Indonesia – (warsoor) – Dhulgariir ku dhuftay gobolka Aceh ee dalka Indonesia ayaa dilay ugu yaraan 97 ruux, sida ay sheegeen saraakiisha millatarigu.

Cabirka dhulgariirka ayaa lagu qiyaasay 6.5, dhismeyaal badan ayaa burburay waxaana laga cabsi qabaa in ay dad badan ku hoos xayiran yihiin burburka hoostiisa.

Illaa iyo hadda 97 ruux ayaa laga cabsi qabaa in ay geeriyoodeen.

eartquick-indonida

Taliyaha millatariga gobolka Aceh ayaa waraysi TV oo toos loo baahiyay ka sheegay in tirada dhimashadu ay wali sii kordhayso.

Afhayeen u hadlay hay’adda masiibooyinka ee dalka Indonesia ayaa sheegay in in-kabadan 200 oo dukaammo iyo guryo isugu jira ay ku burbureen dhulgariirka ayna ka mid yihiin 14 masaajid.

Isbitaal iyo iskuul ayaa sidoo kale waxyeelo wayn soo gaartay.

2004-tii dhulgariir badda hoosteeda ka dhacay oo ku dhuftay xeebaha Aceh ayaa sababay tsunami waxaana Indonesia oo kali ah kaga dhintay 160,000 oo ruux.

 

Xigasho: BBC Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.