In Ka Badan 5 Qof Oo Ku Geeriyootey Weerarkii Hotel Posh, Muqdisho

Muqdisho – (warsoor) – Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar caawa lagu qaaday Hotel Posh oo ku yaala nawaaxiga Isgoyska Banaadir, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Gaari uu waday ruux ismiidaamiye ah ayaa la sheegay in marka hore weerarka uu ku bilowday, waxaana dhacay qarax aad u xooggan oo inta badan Muqdisho laga maqlay.

Waxaa xigay sida la sheegay dabley hubeysan oo gudaha u galay Posh, iyadoo goobtuna ay gaareen ciidamada amniga oo howlgallo illaa hadda ka wada halkaasi.

????????????????

In ka badan 5 qof ayaa ku geeriyootey weerarkaan waxaan ku dhaawacmay tiro kale, gaariga qarxay ayeey dadka inta badan ku dhinteen, shacab ayeeyna u badan yihiin.

Waddooyinka gala Posh waxaa xiray ciidamada ammaanka maadaama howlgallo ay halkaasi ka wadaan, waxaana sidoo kale qaraxii Ismiidaaminta ahaa uu sababay in burbur soo gaaro qaar kamid ah dhismayasha ku dhow halkaasi.

Ciidamada dowladda ayaa ku guuleystay in iyaga oo bad qaba ay soo saaraan shacab badan oo goobta ku sugnaa.

Wasiirka amniga iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ah ayaa gaaray halka weerarkan uu ka dhacay, welina khasaaraha rasmiga ah inta uu la egyahay lama soo bandhigin.

 

Xigasho: Goobjoog News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.