Idaacaddii Qaranka Oo Muddo Bil Ka Badan Hawada Ka Maqan Iyo Mooganaanta Xukuumadda

Idaacadaha Ama Radio-Gu Waa Aaladda Ugu Fiican Uguna Fudud Ee Bulshada Qof Kasta Oo Kamid Ahi Kala Socon Karo Wararka Ku Saabsan Xaaladaha Ka Jira Dalkiisa Iyo Guud Ahaan Waayaha Caalamku Hadba Heerka Uu Marayo.

Raadiyuhu Maadaama Uu Ku Hadlayo Afkii Qaranka Guud Ahaan,Waa Shayga Ugu Fiican Ee Dawladdu Wax Ugu Sheegi Karto Dadkeeda,Waa Aalada Ay U Marin Karto Bulshada Gubaabo,Waano Iyo Wacyi Gelin Kolba Wixii Xaaladaas La Joogo Ku Habboon,Si Loo Tusmeeyo Dadka Halka Laga Guurayo,Habka Loo Guurayo Iyo Halka Geediga Lagu Yahay,Isla Markaana Dawladdu Ay   Dunida Kalena Uga Gudbin Karto Waxay Qabsatay, Horumarka Ay Kasbatay Iyo Xaalada Kolba Ay Ku Sugan Tahay.

Idaacadaha Ama War Laliyaha Oo Ah Kan Isagu Ugu Horreeyay Ikhtiraaca Aadamaha Ee Aaladaha Warbaahineed, Isla Markaana Ilaa Wakhtigan Casriga Ah Ee La Joogo Weli Aan Lahaynin Shay Kula Loolami Kara, Kaalinta Koowaad Ee Aaladaha Warbaahinta,Sababaha Ay Heerkaasi Ku Mutaysatayna Lagu Tilmaamo Kharashka Uu Ku Kacayo Qofka Oo Kooban Iyo Iyadoon Dadka Ka Mashquulin Hawlahooda  Maalinlaha Ah Ee Ay Qabsanayaan, Balse Waxa Ay Uga Baahan Tahay Keliya  Dhegaha Oo Uu Ka Maqlo, Ayaa Geesta Kale Faa’iidooyinka Ay Mujtamaca U Leedahay Waxa Qayb Ka Ah,Korodhsiga Aqoonta Haddii Ay Noqoto Mid Diineed Ama Mid Maaddi Ah,Suugaantooda Dhaqankooga Iyo Waxyaabaha Kale Ee La Halmaala Madadaalooyinkuna Ay Ka Midka Yihiin.

Intii Ay Somaliland Lasoo Noqotay Gobanimadeeda Goonina Uga Go’day Wixii Laysku Odhan Jiray Somalia  Oo Ku Beegnayd 1991kii,Inkasta Oo Dadka Reer Somaliland Si Weyn U Tebayeen Inay Mar Uun  Helaan Idaacad Ay Kala Socdaan Xogaha Iyo Wararka Ku Saabsan Waayaha Ka Jira Dalkooga,Hadana Nasiib Darro Taasi Maysan Suuro Gelin Muddo Dheer.

Dabayaaqadii Sagaashanaadkii Wakhtigii Xukuumadii Cigaal Ayaa Somaliland Markii Ugu Horraysay Heshay War-Laliye Ama Idaacad Ay Dawladda Yameni Ugu Deeqday Somaliland,Hase Ahaatee War- Laliyahaasi Ma Noqon Mid Buuxiya Kaalintii Bulshadu Uga Baahanayd Dhinaca Is Gaadhsiinta, Heerka Maqalkeeda Oo Ku Koobnaa Hargeysa Iyo Nawaaxigeeda Awgeed.

Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin Oo 2002dii  Talada Dalka Qabtay  Ayaa Siddeed Sanadood Iyo Ka Badan Oo Uu Hoggaanka Dalka Hayay,Tabashada Ugu Miisaanka Culus Ee Shacbigu Soo Gudbiyeen Ahayd, Idaacad Dalka Oo Dhan Wada Gaadha,Waxay Cabashadu Isa Soo Tarataba Aakhirkii Lacagtii Lagu Soo Gadi Lahaa Waxa Uu Ku Daray 4 Miisaaniyad Sanadeed Oo Golaha Wakiiladu Cod Aqlabiyad  Ku Meel Mariyeen,Nasiib Darro’se Daahir Riyaale Wuu Ku Fashilmay Inuu Baaqaasi Dadweynaha Ficil Ahaan Uga Jawaabo Dalkana Keeno Idaacadii Uu Misaaniyada Ku Darsaday, Taasi Oo Dadweyne Badan Oo Ku Dhaqan Gobolada Niyad Jab Ku Riday, Lama Garanayo Lacagtaasi Lagu Daray Miisaaniyadda Meel Ay Jaan Iyo Cidhib Dhigtay,Golaha Wakiiladuna Maysan Su’aalin Intii Uu  Daahir riyaale Joogay.

19 Sano Kadib Markii Xukuumada Kulmiye Talada Ku Guulaysatay Oo Ku Beegnayd Sanadkii 2010kii Kolkii Uu Muddo Laba Sano Ah Xilka Hayay Madaxweynihii Hore Ee Axmed Maxamed Siilaanyo Waxay Shacbiga Somaliland Heleen Idaacaddii Ay Ku Taamayeen Wakhtiga Dheer.

18 Oct.2012 Ayaa Madaxweyne Siilaanyo Xadhiga Ka Jaray War-Laliye Awoodiisu Dhan Tahay 100kw,Taasi Oo Gaadhi Karta Guud Ahaan Dalka Iyo Qaaradaha Dunida  Qaarkood, Mawjadaha Fm.Ta Oo xarumaha Gobolada Dalka laga Hirgeliyay, markii danbena Ku Kabay Idaacado Qur’aanka kariimka  Ah.

Inkastoo ay dhawr todobaadba idaacadahaasi wakhti xaadirkan hawada ka maqan yihiin,cilado farsamo oo jira awgeed khaasatan kuwii qur’aanka kariimka ahaa, hadana mudadii ay shaqaynayeen  waxay   Door Laxaad Leh Ka Qaateen barashada iyo dhegaysiga qur’aanka,iyo axaadiista iyo kuwa afka soomaaliga oo kaalin ku yeeshay Isku Xidhka Bulshada,Dawladda,Iyo Dunida Kale.

Qaybaha Bulshada Ayaa Si Aan La Qiyaasi Karin U Soo Dhoweeyay Tallaabadaasi,Ha Ugu Sii Xoog Badnaadaan Ciidamada Qaranka Ee Difaaca Kaga Jira Jiidda Hore Ee Xuduudaha Dalka.

Iyadoo Ay Sidaasi Tahay,Ayaa Hadaba Waxa Mudooyinkii U Danbeeyay Soo Baxayay Qaylo Dhaan Iyo Baaqyo Kasoo Baxaya Bulshada Gobolada Iyo Tuulooyinka Dalka,Baaqyadaasi Oo Xambaarsan Cabshooyin La Xidhiidha Sababta Muddo Bil Iyo Dheeraad Ah Ay Hawada Uga Maqan Tahay Idaacadii Qaranku.

Cawo Xasan Waa Hooyo Deggan   Deegaanka Degmada Xaaji Saalax,Waxay Sheegtay Inay Waayeen Idaacadii Qaranka Dabbaal Degii Somaliland Ee 18ka May Ka Horba, Ilaa Maantana Aanay Haynin.

Cali Axmed Yogol iyo Oo Isaguna Ah Sida Uu Sheegay Muwaadin Ku Nool Deegaanada Ganbadha oo ka Tirsan gobolka sool,cabdi siciid iyo ayaanle axmed seed oo ka mid ah ciidanka qaranka Somaliland eek u sugan jiidahaasi,Ayaa iyaguna waxay  sheegeen Inay Dhegaysiga Idaacada U Bohol Yoobeen,Iyagoo Ku Tilmaamay Inay Wehel Dhan U Ahayd Oo Ay Halkaa Wararka Somaliland Kala Socdeen,Balse Ay Hawada Ka Maqanayd Ilaa Intii Aanay Bisha Ramadaanba Soo Gelin,Wax ku Dhacayna Aanay Xog Ka Haynin.

Si Kastaba Ha Ahaatee Ka Maqanaashaha Hawada Ee Idaacadii Qaranku Lahaa Ayaa La Odhan Karaa Waa ceeb Iyo Fadeexad Weyn Oo Dul Hoganaysa Xukuumadda Madaxweyne  Muuse Biixi Gaar Ahaan Wasiirka Warfaafinta Oo La Sheegay Inuu Shaqadii Qaranka Ee Horumarinteeda Loo Igmaday Kaga Mashquulay Tacdiga Shaqaalihii Ka Hawlgelayay Wasaarada Iyo Diyaarinta Barnaamij Uu Isagu Soo Saare Ka Yahay Oo La Yidhaa KOBCI-GARAADKAAGA Kaasi Oo Uu Lacag ka badan $15,000 dollar Kaga Qaatay Shirkadda Is Gaadhsiinta Telesom,oo meesha ka saartay shirkaddii wakhtiga dheer barnaamijkaasi waday ee SOMTEL kadib markii uu dagaal adag la galay wasiir ku xigeenka wasaaradaasi maxamed muuse abees,

Gebagebadii Waxaan Madaxweynaha Jsl Mujaahid Muse Biixi Kula Talin Lahaa Xilka Aad Hayso Waxa Kuu Dheer Oo Lagugu Majeertaa Inaad Tahay Shakhsi U Dhuun Daloola Xog Ogaal Fogna U Ah,Dhaqdhaqaaq Kasta

Oo Ka Socda Gudaha Wadanka Maadaama Aad Usoo Halgantay, Xilal Badanna  Kasoo Qabatay, Meelna Aanad Uga Bixin Dalka Tan Iyo Xiligii La Aasaasay Somaliland 1991kii.

Ka Faaiidayso Oo Ha Daayicin madaxweyne  Dareenka Bulshada Kaaga Soo Noqonaya,U Dhego Nuglow Dadkaaga,Waayo? “ Waxa La Yidhi “Wixii La Sheego Wax Baa Ka Jira.”Kormeer Ku Samee Wasaaradaha Dawlada Xaaladaha Ka Jirana joogto ula soco,Taasi waa sida madaxweyne, wax inoogu hagaagi karaan, Wasaarada Warfaafinta Hadii Aad Hore U Kormeertay madaxweyne,  Mar Kale Ku Noqo, Hadii Aanad horay U Teginna, Kormeer ku samee Oo Waydii Nimanka Meesha Aad U dhiibtay Iyo Kuwa Ka Hooseeyaba,Waxa Ku Dhacay Idaacadii Ummaddu Lahayd. Wakhtigan Oo Ah mid aad xaasaasi u ah,Si Weyna Loogu Baahan yahay Maqalka Idaacadda, Maadaama Weeraro Daandaansi Ahi Dalka Soo Food saareen radio guna udub dhaxaad u yahay abaabulka iyo isku xidhka bulshada…. Xasuusnow Madaxweyne Tv-yada Bulshada inta haysataa inay ka hoosayso 10%,

Wa Billaahi Towfiiq

Cabdi nacfi jaamac seed…fre lancer journalist…hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.