Madaxweynaha Somaliland oo Kulan La Yeeshay Xidhiidhiyaha Arimaha Bani’aadanimadda ee Qaramadda Midoobay

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo La Kulmay Wefti uu hoggaaminayo Xidhiidhiyaha Arrimaha Samafalka ee Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa Mr Peter Drucker oo ay la socdaan qaybo ka mida ururada hoostaga.

Kulankan oo ay qayb ka ahaayeen xubno ka mid ah golaha wasiiradda Somaliland, Guddida Gurmadka abaaraha qaranka Somaliland iyo masuuliyiin kale.

Kulankan waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda abaaraha ee dalka ka jirta iyo sidda ay qaramadda midoobay ay wax uga qaban karto.

Shirkan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka warfaafinta Somaliland, waxaanu sheegay arimihii ugu muhiimsanaa ee ay kala hadleen weftiga jimciyadda quruumaha ka dhaxeeyey.

Waxaa isna dhankiisa ka hadlay kulankan Peter Drucker waxaanu sheegay in ay ka warhayaan xaaladda dalku ku sugan inay meel xun marayso oo ay khatar ku jirto nolosha dadka abaaruhu ku dhufteen. Waxaanu sheegay in ay beesha caalamka ka dalbadeen lacag dhan $3 milyan oo dollar oo ay wax kaga qaban doonaan saddex bilood ee soo socda, balse lacagtaasi aanay wali soo gaadhin.

Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee ay madaxtooyaddu qabatay:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.