Howlgallo qorshaysan oo Ciidanka xoogga dalka ay ka fuliyeen Jubbada Dhexe

Jubbadda Dhexe – (warsoor) – Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed, gaar ahaan Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Sunguuni ee gobolka Jubadda dhexe, waxayna ku burburiyeen saldhig Al Shabaab iyo isbaaro ay ku qaadi jireen lacago sharci darro ah. Deegaanka Sunguuni ayaa ah, mid istiratiiji u ah Al Shabaab, waxayna dhanka waqooyi ka xigtaa wabiga Jubba.

Sidoo kale howgalka laga sameeyey degmada Jilib, gaar ahaan tuuladda Hargeysa Yareey ayaa lagu gubay gaadidka dagaalka waxaana lagu dilay tiro maleeshiyaad ah oo ka tirsan Al Shabaab.

DANAB1-620x350

Howlgalladan oo ahaa mid is dhaba joog ah ayaa laga sameeyay degmadda Saakow oo saldhig weyn u ah cadowga ummadda Soomaaliyeed waxaana lagu dilay horjooge muhim ah oo dib loo faahfaahin doono, waxaana lagu soo qabtay hub iyo saanad ciidan.

Ugu dambeyn, abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Cali Baashi Maxamed ayaa tilmaamay in ay xoojinayaan weerarada lagu bartilmaameedsanayo maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab, iyadoo maantana aysan jirin goob ay kalsooni ku joogaan oo mar walba weeraro qorsheysan lagu qaadi doona dalkana laga sifeynayo.

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.