Horta Taloow Ma Og yahay Mase Maqlay Wasiir Cali Mareexaan Odhaahda Caan Baxday ee Ah “CIYAAL CIYAAL AAN LA LA CIYARIN AYAA JIRA” Qalinkii Suxufi Cabdiwali Cali Ismaaciil

Odhaahdan kor ku xusan waxa la yidhi waxay ku timid wakhti hore ayaa Suldaan Cabdilaahi oo ah Suldaan Maxamed Suldaan Cabdirqaadir Awoowgii (Waa Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye ee) ayaa waxa uu Suldaanku qaranka u hibeeyey qayb ka mida dhulkii Beetiisa si halkaasi looga dhiso Isguul iyo Garoon Cuurtu ay Kubadda ku Ciyaarto, hada gara oo dhulka Suldaan Cabdilaahi Ku Deeqay  waa goobta hada loo yaqaano Isguulka Riis ama  Dhulka uu ku fadhiyo Dugsiga  Isguulka Riis ee ka dambeeya ama dhinaca Koonfureed ka xiga  Saldhiga Rugta Kutubta (Saldhiga New Hargeysa) ee magaaladda Hargeysa.

Haddii aan u soo noqdo dhulkaasi Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye ku deeqay iyo Odhaahda Caan Baxday ee Ah   “CIYAAL CIYAAL AAN LA LA  CIYARIN AYAA JIRA” maxa isku keenay, waxay jawaatu tahay qisadan ayar, dhulkii uu Suldaanku ku deeqay waxa laga dhisay Dugsi waxbarasho oo ah Isguulka Riis waxa halkaasi ay Caruurtu ku ciyaari jirtay Kubad maadama oo garoon Kubaddeed uu ku yaalay, ka dib mid ka mida Caruurtii uu dhalay Suldaan Cabdilaahi oo Wiil ah, ayaa ay isku xanaaqeen Wiil kale oo ay Kubadda wada Ciyaarayeen, waxaana meeshi ku dhex maray Dagaal.

Ka Dib lays dil oo la kala teg, haseyeeshe waxa maqlay in Walaalkood ay Wiil qiyaastii markaasi ka yar weyn is dileen Inamo kale oo uu Suldaan Cabdilaahi Dhalay, Garoonkii Dugsiga Riis ku dhex yaalay ayey yimaadeen, ka dibna Albaabada ayey iskugu laabeen oo waa Xidheenba, Wiilkii ay islaayeen Inanka Suldaan Cabdilaahi dhalay, ayaa Aabihii u tegay waxaanu u sheegay dirirta dhex martay saaxiibkiisii ay Kubadda wada ciyaari jireen ee Ina Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye, ka dib Wiilkii Aabihii isaga oo waaninaaya waxa uu ugu jawaabay “Aabe Idhegayso “Aboow CIYAAL CIYAAL AAN LA LA  CIYARIN AYAA JIRTA “Hadii Aad Wax Maqlayso Garoonka Dib Haw Tegin”.

Hadaba Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan) Maadama oo Sida aan Xogaha ku maqlaayo uu isagu ku lug leeyahay oo la sheegaayo in Shirkadda Dahabshiil Ka Iibiyey qayb ka mida Dugsiga RIIS, waxa uu u baahan yahay in loo sheego Odhaahda Caanka ee “CIYAAL CIYAAL AAN LA LA  CIYARIN AYAA JIRA ”  waxa kale oo haboon in uu ogaado Khasaaraha maanta ka dhici gaadhay Dhulka uu ku Fadhiyo Dugsiga RIIS.

ee la doonaayo in la Xaraasho hadii ay Shacabka reer Somaliland u guntadeen oo ay adbaadiyeen ogow Qoyskii dhulkaasi qaranka u Hibeeyey ee reer Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye wax u diidayaa ma jiraan hadiiba cid gaar ahi ku danaysanayso in aanay jirin wax u diidaaya inay dhulkoodii dib u la laabtaan ileen Jeebad shaqsi loo loogi maayo ee.

Qalinkii Suxufi Cabdiwali Cali Ismaaciil

Abdiwali1991@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.