Horjooge iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Jilib

Muqdisho – (warsoor)ย – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxโ€™ed C/llaahi Farmaajo ayaa amaray howlgal lagu dilay 7 kamid ah maleeshiyada Al-shababa oo ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Howlgalkaasi ayaa waxaa si wada jir ah u fuliyay ciidamada Ammaanka Soomaaliya oo gacan ka helaya saaxiibada caalamiga.

Dadka lagu dilay howlgalkaasi ayaa waxaa kamid ahaa horjooge sare oo maleeshiyaadka Shabaab u qaabilsanaa abaabulka qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka goโ€™antahay sidii loo ciribtiri lahaa maleeshiyaadka Argagixisada Al-shabaab, kuwaasi oo dhibaatooyin ku haya bulshada Soomaaliyeed.

 

 

Xigasho: Sonnna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.