Hoggaanka Xisbiga KULMIYE oo Soo Dhaweeyey Siyaasiyiin iyo Aqoonyahan ka soo Jeeda Deegaanka Go’da Weyn Oo Ku Soo Biiray Xisbiga

Hargeysa – (warsoor) – Hoggaanka xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey aqoonyahanno iyo siyaasiyiin ku biiray xisbiga, kuwaas oo ka soo jeeda deegaannada Go’da weyn iyo Cadaadley ee gobollada Saaxil iyo Maroodi-jeex.

Xaflad ballaadhan oo lagu soo dhaweynayey siyaasiyiintan ayaa waxa ka qaybgalay hoggaanka xisbiga KULMIYE, wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, haween iyo marti-sharaf aad u tiro badan, waxaana halkaas laga jeediyey hadallo soo dhaweyn u badan, isla markaana xubnaha cusubi ku muujiyeen sida ay ula dhaceen siyaasadda xisbiga KULMIYE.

Aqoonyahan Maxamed Cabdi Nuur iyo Cabdinaasir Ismaaciil Nuur oo ka mid ah xubnaha aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta ah ee xisbiga ku soo biiray oo madasha ka hadlay, ayaa sheegay inay go’aansadeen inay lamidoobaan xisbiga KULMIYE oo waxqabad iyo karti badan muujiyey, isla markaana muddadii uu xilka hayey bulshada tusay in wada-jirka wax badan lagu qabsan karo.

Marwo Qadan Cabdilaahi Maxamed oo xubin ka ahayd aqoonyahanka kasoo jeeda deegaanka Go’da weyn ee KULMIYE kusoo biiray oo halkaas ka hadashay, ayaa iyaduna hogo tusaalaysay sida loogu baahan yahay in bulshadu isdhex gasho oo deegaan waliba xisbiga uu rabo taageero, waxana ay cambaaraysay farogelin iyo cago-juglayn ay kala kulmeen xubno xisbiga WADDANI kamid ah.

Murrashax Siciid Aw Aadan oo hoggaaminaya xubnaha xisbiga ku soo biiray, ayaa isaguna sheegay inuu kalsooni badan ku qabo xisbiga KULMIYE ee uu kusoo biiray, isaga oo tusaale usoo qaatay waxtarkii mujaahid lixle oo ay isku deegaan ahaayeen ku calaamadsan yahay, “SNM waxay ku faani jirtay mujaahid Lixle, KULMIYE-na lixle ayuu u baahan yahay, aniguna cududayda iyo taageeradayda waan muujin doonaa,” ayuu yidhi murrashax Siciid Aw Aadan.

Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey xubnaha cusub ee xisbiga ku soo biiray, waxaana uu hoosta ka xariiqay inay yimaadeen madal loo simanyahay oo aragtidooda si xor ah uga dhiiban doonaan.

Afhayeen Gaafaadhi waxa uu aad u dhaliilay xubnihii la baxay Isbaysiga la baxay ee xukuumadda iska casilay, dhawaanna ku biiray xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, waxaanu sheegay inay ahaayeen shakhsiyaad ka faa’iiday xisbiga KULMIYE, markii dambena inqilaab dhicisoobay isku dayey, waxaannu yidhi, “Qolyihii xisbiga iyo xukuumadaba ka midka ahaan jirey ee dhawaan tagay waxaan leeyahay marka hore waanu idin sagootinaynaa, halka aad tagteenna waxaad ku biirisaan waa la arki doonaa, waxaanse is leeyahay raggaasi waa raggii xisiga KULMIYE kuraastiisa ku fadhiyey ee ku liibaanay, madaxdana inoo ahaa lixda sannadood, sida ay ku tageenne waxay ahayd si milgihii lagu doortay aad uga duwan, waxaana aynu ognahay inay isku dayeen inqilaab dhicisoobay, runtiina inqilaab dhicisoobay buu ahaa, maantana rag xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda wax ka sheegi kara maaha.”

Wasiirkii hore ee wasaaradaha Warfaafinta iyo weliba Kalluumaysiga Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) iyo Wasiirka Wasaaradda Duulista Md. Farxaan Aadan Haybe oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey xubnaha cusub, waxana hoosta ka xarriiqeen inay xisbigu ixtiraam iyo karaamo badan u hayo.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa sharraxay horumarka uu xisbiga KULMIYE waddanka u horseeday, isaga oo xubnaha cusub u sheegay inay yimaaddeen hoygii waxqabadka dalka, waxaanu yidhi, “Maanta maalin aan ka qurux badanahay iyo maalin aan ka magac weynahay ma jirto, waxaasna KULMIYE ayaan ka helay, xisbiga Kulmiye waa xisbi mustaqbal leh, caafimaad, waxbarasho iyo riigag yaa sameeyey ee aan KULMIYE ahayn, waanu aaminsanahay in xisbiyada la kala galo, laakiin waanu difaacaynaa waxa uu KULMIYE qabtay, waxana aad timaadeen hoygii loogu talo galay inuu dalkan dhiso.”

kulmiye-taageerayaal15

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, ahna ku-simaha guddoomiyaha Md. Maxamed Kaahin Axmed,  oo isaguna munaasibadda soo afmeeray, ayaa ku dheeraaday taariikhda miisaanka leh ee deegaanka Go’da weyni leedahay, isagoo xusay inay tahay goob taariikhi ah oo shakhsiyaad wax badan taray kasoo jeedaan, “KULMIYE maanta laga bilaabo ka mid  baad tihiin, taladiisa waxbaad ku leedihiin, xuquuqdiisana ka mid baad tihiin, Go’da weynina waa deegaan qiimo leh, waana halkii uu mujaahid Lixle ka hawlgalay, ninka maanta reer Go’da weyn doonaya inuu qoys ugu abtiriyow Lixle maalintaas qoysaska reer Somaliland oo dhan buu maalintaas hoggaaminayey,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.

Waxa kaloo uu jawaab cad u diray xubnihii tirada yaraa ee dhawaan ku biiray xisbiga WADDANI, waxaanu sheegay inaan daacadnimadii ay sheeganeyeen iyo khiyaanadii ay sameeyeen wax isqabanaya ahayn, waxaanu yidhi, “Taariikhda siyaasiga ah ee caalamka weli kama ay dhicin dhawr iyo toban wasiir oo madaxweynahoodii magacaabay khaayinnimo ku sameeyey oo la arkay iyaga oo toorrida dhabarka kala dhacaya, dadkana waxaan u sheegayaa inay taariikhda ugub ku tahay waxay qoladaasi sameeyeen, qolada kale ee ay u tageenna waxaynu leenahay Ilaahay beerkiina burcad ha isu mariyo, laakiin daacadnimada iyo khaayinimadu meel ma wada galaan.

Maalintii 12 wasiir ay meesha ka dhaqaaqeen ku talogalkoodu waxa uu ahaa KULMIYE wuu burburayaa, Axmed Siilaanyo xukuumaddiisuna way burburaysaa, KULMIYE oo ka mid ah xisbiyadii dalka ugu horreeyey oo soo gaamuray oo dad badan oo halgamaa ahi ku jiraan gudo iyo dibadba oo isagana sida uu dhidban yahay aanay koox yari lii-liijin karin, labadaas mid walba way ku khasaareen,” ayuu yidhi Guddoomiye Maxamed Kaahin.

kulmiye-taageerayaal1 kulmiye-taageerayaal2 kulmiye-taageerayaal3

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.