Hoggaanka KULMIYE oo Hadhimo-sharafeed u Sameeyey Madaxdhaqameed iyo Waxgarad ka soo Jeeda Gobollada Bariga

Hargeysa – (warsoor) – Hoggaanka xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa hadhimo sharafeed u sameeyey madax-dhaqameed, garaado, odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda deegaanada Sool, Sanaag iyo Xaysimo, kuwaas oo ka mid ahaa dadkii ka qaybgalay shirarkii kala dambeeyey ee dhawaan lagu soo gunaanaday deegaankada Awr-boogays iyo Adhi-caddeeye.

Munaasibadda cusuumadda xisbigu ku sharfay madaxdhaqameedka iyo waxgaradka gobollada bari, gaar ahaan beesha Maxamuud Garaad (Dhulbahante) oo lagu qabtay huteelka Summer Time ee magaalada Hargeysa maanta, waxa ka qaybgalay hoggaanka KULMIYE oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad, Xoghayaha Guud, Guddoomiyaha Golaha Dhexe, Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha dibadda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Khayraadka Biyaha, Beeraha, Caddaaladda iyo Warshadaha, xubno wasiir-ku-xigeenno iyo wasiiru-dawlayaal isku jira, xildhibaanno iyo madax-dhaqameedka la casuumay oo ay wehelinayeen waxgarad kale, waxaana madasha la isku waydaarsaday hadallo la xidhiidha ujeeddada kulankaas oo ahayd sidii hoggaanka xisbiga iyo waxgaradka deegaannada bariga dalku iskaga xog-waraysan lahayeen xaaladda deegaanadaas iyo u diyaargarowga diiwaangelinta kaadhka codbixiyayaasha Somaliland oo dhawaan laga bilaabi doono Gobollada Sool, Buuhoodle iyo Xaysimo, si la iskaga kaashado wacyigelinta iyo ku dhiirrigelinta bulshada ee is-diiwaangelintaasi.

DSC_1363

Ugaas Cabdinuur, Caaqil Mingiste Caarshe iyo xubno ka mid ah madax-dhaqameed, odayaasha iyo waxgaradka la casuumay oo hadallo ka jeediyey madasha, ayaa si wayn uga mahadnaqay hadhimada uu ku maamuusay hoggaanka xisbiga KULMIYE, waxaanay shaaciyeen inay diyaar u yihiin oo degaannada ay ka yimaadeen u diyaargaroobeen qaadashada kaadhka codbixinta doorashooyinka Somaliland, isla markaana ay doonayaan inay sannadkan muujiyaan cuddudooda. Sidoo kalena, waxay tilmaameen inay si buuxda u taageero ula garabtaagan yihiin xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisaba.

Sidoo kale, Prof. Yaasiin Maxamuud Xayd oo ka mid waxgaradka doorka wayn ku lahaa hirgelinta shirkii deegaanka Awr-boogays ka qabsoomay, ayaa isaguna sheegay in bulshoweynta madax-dhaqameedkani metelaan ay diyaar u yihiin ka qaybqaadashada diiwaangelinta codbixiyayaasha ee Sool iyo Xaysimo.

Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire, Daakhiliga Md. Cali Maxamed Warancadde iyo Warfaafinta Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo khudbado ka jeediyey casuumadda, ayaa soo dhaweeyey madaxdhaqameedka iyo odayaasha ka yimi gobollada bari, waxaanay sheegay in xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa oo uu gadh-wadeen ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo oday ruug-caddaa ahi ay ka go’antahay sidii dalka Somaliland oo ummaddiisu mid tahay u gaadhi lahaa horumar baxaad leh oo dhan walba ah, isla markaana si gaar ah u danaynayaan sidii deegaannada bariga la soo gaadhsiin lahaa dalka intiisa kale.

“Somaliland aas-aaskeeda waxa saldhig u ahaa shirar kuwii Awr-boogays iyo Adhi-caddeeye oo kale ah, markaanu dibadda tagno waxa na hortaalay su’aal ahayd bal Bari-na ka warrama, laakiim iminka waxaan filayaa in aynu nidhaahno Somaliland way dhan tahay, waxaana aynu u baahanahay in qof walba oo Somaliland ahi uu helo xaqiisa ah inuu u codeeyo cidda uu doonayo, waxa kale oo uu muwaadinku xaq u leeyahay inuu caafimaad iyo waxbarashoba helo, si taas loo helona waxa loo baahanay in doorashooyinka soo socda  gobollada Bariga fursad la siiyo. Somaliland-na waxay wax ku tahay marka aynu wadajirno ee reer reer waxba ku heli mayno, reer hebelna meel fog ma gaadhee Somaliland baa meel fog gaadhaysa.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Khaarajiga Dr. Sacad Cali Shire.

Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland Md. Baashe Cali Jaamac, ayaa isaguna si weyn uga mahadnaqay maamuuska Guddoomiyaha iyo madaxda xisbigu u sameeyey madax-dhaqameedka deegaannada Bariga dalka iyo natiijada shirarkii dhawaan ka qabsoomay Gobollada Sanaag iyo Sool, “Xisbiga waan uga mahadnaqayaa siday u soo dhaweeyeen shirkii Awr-boogayseed iyo kii Adhi-caddeeye ee muhiimadda weyn Somaliland u lahaa iyo casuumaddan aad samayseenba, marka arrintu kugu adagtahay cidda ku taageerta ayaad dadka ugu jeceshahay, waliba anigu xisbiga iyo xukuumaddaba waan ka mid ahay,” ayuu yidhi wasiir Baashi Cali Jaamac.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyey casuumaddaasi, ayaa sharraxay qiimaha ay bulshada ku dhaqan deegaanada Barigu ku leeyihiin Somaliland dhexdeeda iyo doorarkii ay ku lahaayeen xornimadii iyo dib-u-dhiskii qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kaloo uu ka hadlay faa’iidada ballaadhan ee lagu gaadhi karo midnimada iyo wadajirka ummadda Somaliland samayso, “Waxa hubaal ah mujaahidnimadii dalka ka mid baad ahaydeen oo rag badan baa halgankii iyo dibu-xorayntii ku dhintay, xisbiga KULMIYE-na aasaaskiisiina kow baad ka ahaydeen oo odayaashii bilaabay ee taariikhdiisa ku qoran Fagadhe ayaa kow ka ah. Markaa taariikhda Somaliland cidi idinkama laha, taladeedana waad leedihiin, waxa aynu ku dhaqanaana waa distoorka, waa midnimo iyo dalkeena oo aynu si siman u maamulano oo si siman wax u wada qaybsanno haddii ay talo tahay iyo haddii ay horumar tahayba,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.