Hoggaamiyihii Al-Qaacida oo lagu dilay Afgaanistaan

Afghanistan – (WARSOOR) – Ayman al-Zawahiri oo ka tirsanaa Al-Qaacida ayaa lagu dilay weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha ee dowladda Maraykanka Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in hogaamiyaha Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee CIA ay ka fuliyeen dalka Afgaanistaan .

Al-Zawahiri ayaa la dilay Axadii, waana dharbaaxadii ugu weyneyd ee soo wajahda kooxda tan iyo markii la dilay Aasaashoodii Osama Bin Laden sanadkii 2011-kii.
“Caddaalad ayeey wadda mareen hogaamiyaashii argagixisad hadda waa dhinyeen,” ayuu Biden ku yidhi khudbad gaar ah oo ka soo baxday Aqalka Cad.

Sirdoonka ayaa ku howlnaa sidii ay usoo afjari lahayeen hoggaamiyaasha Al-Qaacida ee saldhiga u ah dalka Afgaanistaan’ Al-Zawahiri ayaa ahaa bartilmaameedka isaga iyo hoggaamiyaasha kale kooxda Biden,isagoo intaa ku daray in aysan jirin dhibaato kale oo ka soo gaartay qoyska Al-Zawahiri weerarka lagu dilay.

Saraakiil Mareykan ah oo magacooda la qariyay ayaa sheegay in CIA-du ay Axaddii weerar diyaaradeed ka fulisay caasimadda Afgaanistaan ​​ee Kabul, iyadoo la adeegsaday labo Gantaal.