Hogaanka Xisbiyadda Mucaaridka oo Safaaraddaha Denmark, Canada Iyo Xafiiska EU-da Ee Nairobi

Nairobi – (WARSOOR)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Md Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Ku Sugan Magaaladda Nairobi Caasimadda Dalka Kenya.

Guddoomiye Xirsi Oo Ka Mid Ah Wefti Balaadhan Oo Labadda Xisbi Mucaaridka Ee WADDANI Iyo UCID Ka Socda, Isla-markaana Maalmihii U Dambeeyey Booqasho Ku joogay Dalka Kenya, Ayaa Sheegay Inay Booqashadda Kenya maalintooddii Labaad kulanno Kala Duwan La Yeesheen Safaaraddaha Dalalka Denmark, Canada Iyo Xafiiska EU-da Ee Dalka Kenya.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, Ayaa Sheegay Inay Dhammaan Dublamaasiyiinta Ay La kulmeen Kala hadleen Arrimo Badan Oo Somaliland khuseeya, Gaar Ahaan Doorashooyinka Soo Socda Ee Somaliland.

Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan, Ayaa Sheegay Inay Safaaradda Canada Ay Iyadu Hadda Ku Cusub Tahay kulannadda Lagaga tashanayo Arrimaha Doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, Ayaa Kulannaddan Ay La Yeesheen Safaaraddaha Dalalka Denmark, Canada Iyo Xafiiska EU-da Ee Dalka Kenya ku Faahfaahiyey Qoraal kooban Oo Uu Soo Dhigay Bartiisa Facebook, Kana Soo Xigatay Shabakedda Wararka Caalamigaa Qumannews.net. Waxaanu Qoraalka Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI U Dhignaa Siddan “Maalintii labaad ayay weli noo socdaan kulamadii, waxaanu kulamo kala duwan la qaadanay safaaradaha Denmark , Xafiiska EU-da ee Nairobi iyo Safaaradda Canada oo iyadu ku cusbayd arimaha doorashooyinka Somaliland. Dhamaan kulamadaasi waxay noogu dhamaadeen is afgarad iyo guul. Beritana waxaan leenahay kulamo kale oo muhiim ah, waxaanan rejaynayaa in dhaman noogu dhamaadaan wanaag. danta Somaliland ayaa inoo balan ah”.

Tifaftire Khaddar Ali Khum
Qumannews.net.
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.