Hogaanka Sarre Ee Laanta Xisbiga Waddani ee Dalka Holland Oo Kullan Hogaanka La Yeeshay Xoghayaha Arimaha Dibada Waddani

Holland – (warsoor) – Hogaanka Sarre ee Laanta Xisbiga Waddani ee Dalka Holland ayaa Kulan muhiima la yeeshay Xoghayaha Arimaha Dibada Ee Xisbiga Waddani Dr. Maxamed Cismaan Fadal iyo Wakiilka Xisbiga Waddani ee EU Iyo UN Md.Cabdirisaaq Diinaari.

Kulankani oo ka dhashay kadib markii xoghaye Fadel uu u yimid dalkan Beljiga howlo shaqo. Gudida fulinta iyo iyo xoghayaha arimaha dibada mudane Fadel iyo ergayga xisbiga waddani ee EU iyo UN ta mudane Diinaari waxa dhex maray kulan gaar ah oo uu xoghayuhu si mug leh uga waramay arimaha abaaraha ee hada waddankii ka taagan, doorashooyinka inagu soo foole iyo sidii laamaha xisbiga waddani ay u diyaarin lahaayeen korjoogayaal ilaaliya sanaaduuqda lagu codaynayo waqtiga doorshadu dhacayso, falalkii foosha xumaa ee xukuumadu kula kacday baarlamaanka iyo xubnihii diiday qorshaha boobka ah ee xukuumadu ka wado dalka iyo jawaabihii iyo mowqifka uu ka qaatay xisbiga waddani. Intaa kadib waxa ay xubnaha gudida fulinta ee shirka fadhiyay sida Gudoomiye Xiis Mahamed Cige, Gudoomiye ku xigeen Ahmed Garanuug , Xoghaye Mahamed Muuse Iyo Afhayeen Najiib Dhereye ay si qoto dheer uga warameen asaaskii laanta, waxqabadkii laanta ee mudadii koobnayd ee ay laantu jirtay oo ah mudo sanad iyo bilo ah , caqabadihii ka horyimid iyo halka imika ay hawlaha xisbiga waddani ee dalka Holland marayaan.

Xoghayuhu wuxuu aad ugu riyaaqay dadaalka iyo horumarka balaadhan ee laantani wado waxana u balanqaaday sii xoojinta wadashaqaynta laanta xisbiga waddani Holland iyo xarunta dhexe uu ka yimid iyo guud ahaanba dardar galinta wadashaqaynta laamaha xisbiga waddani iyo dalada guud ee waddani yurub. Kulankani gaarka ahi waxa uu ku soo dhamaaday jawi is afgarasho iyadoo la isku raacay wadashaqayn joogta ah iyo dardar galinta hawlaha xisbiga guud ahaanba.

Wa bilaahi towfiiq

Xoghayaha xisbiga wadani laantiisa Holland

Maxamed Muuse Kidaar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.