Hogaamiyaasha Mareykanka iyo Shiinaha oo ku kulmay Dalka Indoonosiiya

Indoonosiiya – (Warsoor) – Labadda Hoggaamiye ee Dalalka Mareykanka iyo Shiinaha ayaa maanta oo isniin ahayd ku kulmay Dalka Indonesia.

Labada madaxweyne ayaa kulmay Isniinta maanta ahayd markii ugu horeysay si shaqsi ah tan iyo markii Biden uu Xafiiska la wareegay Sanadkii 2020. Qoraalo kala duwan oo ka soo baxay xafiisyadooda ayaa lagu sheegay inay ku baaqeen in la iska kaashado sidii looga hortagi lahaa caqabadaha caalamiga ah.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa carabka ku adkeeyay in Washington ay raadineyso inay ka fogaato isku dhac ama dagaal qabow oo ay la gasho Beijing.

Kulanka dhexmaray labadda Hoggaamiye ee Dalalka loogu yeedho Quwadaha adduunka ayaa imaanaya xili wali aan xal laga gaadhin xiisada culus ee Dalalka u dhaxaysa taas oo ka dhalatay booqashadii ay ku tagtay Jasiirada Taiwan Haweenayda Afhayeenka u ah Aqalka Wakiilada ee Mareykanka Nancy Pelosi, taas oo si weyn uga cadhaysiisay Shiinaha kadibna abuurtay xiisad isku Diyaarin Dagaal ah taas oo Shiinihu uu wacad ku maray inuu gacantiisa kusoo celin doono Jasiirada uu Taiwan oo uu aaminsan yahay inay tahay qayb kamid ah dhulweynaha Shiinaha.