Hirdanka Labada Xisbi Muxaafid iyo Waddani ee Xuska 18 May

Wali waxa muuqata inaan xal loo helin murankii xuska sanadguurada 27aad ee 18 may 2018, iyada oo labada xisbi muxaafid (Kulmiye iyo Ucid) ay isku raaceen in la qabto xuska 15 May halka xisbiga kaliya ee mucaarid ah ee ka jira Somaliland uu daadafeeyey go’aankaa labada xisbi muxaafid (Kulmiye iyo Ucid) islamarkaana uu Xisbiga Mucaarid ka
ee Waddani uu shaaciyey inuu xusi doono maalintii ay ku suntanayd ee 18 May.

Haddaba, waa markii u horeysay ee tani dhacdo ama labadalo maalintii mudnayd islamarkaana waa Markii u horeysay ee lagu kala jabo maalintii qiimaha qaranka u lahayd, arintani may saamayn oo kaliya labadaa dhinac ee  sare ku xusan balse shacabkii Somaliland gudo iyo dibed ba waa mid ku keentay kala qaybsanaan baaxadleh , taas oo keeni karta inuu qaranka ku yimaad hantaaqo culus iyo in cadawgii Somaliland uu fursad u helo khilaafkan ugub ka ku ah qaranka Somaliland.

Sidaa darted, waxaa looga baahan yahay cida dalkan ama qarankan masuuliyadiisa dusha ku qaadatay oo ah Madaxweyne Muse Bixi in uu dib isugu noqdo oo uu keeno xal degdeg ah wakhtigii oo kaabiga inagu soo
haya awgeed. Waxaa looga fadhiyaa sidoo kale in uu la yimaad dabacsanaan hogaaminimo isaga oo kala xaajoonaya arintan dhinaca kasoo horjeeda iyo waliba wada tashi inuu kala yeesho hay;adaha kale ee qaranka. Xataa, hadii aad ka tanaasushid maalintaa 15 may waa mid keeni karta isfaham iyo bulshada oo isku soo dhawaata, hana u qaadan
tanaasulkaasi ceeb iyo in lagaa badiyey laakiin waa mid aad ku badbaadinayso midnimada shacabka Somaliland.

Wabillahi tawfiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa,Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.