Hay’dda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka Oo Ka Digtay In Deeqaha La Siinaayo Danyarta Loo Adeegsado arrimo Siyaasadeed

Hargeysa – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa murashixiinta u tartamaya Doorashooyinka isku sidkan ee Wakiilada iyo Degaanka ugu digay in aanay siyaasadayn kaalmooyinka ay gaadhsiinayaan dadka Barakacayaasha ah.

War-saxaafadeed ka soo baxay xaafiiska gudoomiyaha hay’dda qaroontiga iyo barakacayaasha qaranka Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), soona gaadhay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa u dhignaa sidan:-

Waxa maalmaha soo baxaya dhaqan cusub oo ah in arrimaha bani’aadanimada looga faa’idaysto ololaha doorashada.

Waxaan marka hore ku bogaadinayaa murashixiinta ku hawlan biyo dhaaminta dadkooda baahan.

Sidoo kale waxaan bogaadinayaa cid kasta oo ku hawllan waxtarka dadka Barakacayaasha ah ee ku urursan kaamamka ku yaalla dalka iyo dadkeenna kaleba.

Intii dalku galay marxalada doorasho waxa soo baxay musharraxiinta qaarkood oo meelo gaar ah dad ku ururinaya kaamamna uga samaynaya, iyagoo ka raraya magaalooyinka gudoohooda, kana urursanaya kaadhadhka codaynta ee ay haystaan, ballan qaadyo-na u samaynaya, dadkaasi maaha dad waqtigan magaalooyinka ku soo xerooday, hase yeeshee waa dadkii Markii horeba magaalaooyinka gudohooda yaalley.

Haddaba arrintani waxay ka kor imanaysaa siyaasadda barakacayaasha qaranka oo aan ogolayn in kaaman cusub la sameeyo, maadaama oo aanay jirin wax kalifi kara sida abaaro adag, dagaalo, daadad iyo dhibaatooyin kale oo baahsan.

Ugu dambayn waxa jira dadaalo ay dawladu wado oo ah in dadka barakacayaasha ah dib loo xooleeyo, si ay isugu filaadaan.

Ugu dambayn war-saxaafadeedkan ka soo baxay xafiiska gudoomiyaha hay’dda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka waxa ka murashixiinta ku hawlan dadaalada bani’aadanimo loogu soo jeediyay qodobadan:-

1.    Inay ka qayb qaataan gurmadka xukuumaddu ugu jirto biyo dhaamiska dadkeena.

2.    In dadka ay ku caawiyaan halka ay deggan yihiin ee aanay geeddi cusub u horseedin.

3 In ay gacan ka geystaan wixii awooddooda ah dib u dejinta dadka kuna garab istaagaan dawladda qorshaha ay waddo.

4. In aanay suuro gal ahayn lana aqbalayn kaamam barakacayaalna loo agoonsanayn kaamamka musharraxiinta iyo taageerayaashood samaynayaan si ay qayb uga noqdaan olololhooda doorsho xisbiga ay doonaan ha ka sharraxnaadaane