Hay’adda Shaqaalaha Oo Kulan U Qabatay Agaasimeyaasha Cududda Shaqaalaha Ee Wasaaradaha Dawladda

HARGEYSA – (WARSOOR) – Hay’adda shaqaalaha Dawladda ayaa agaasimeyaasha cududa shaqaalaha kulan uga furtay Magaaladda Hargeysa, kaas oo ku saabsan qiimaynta  Shaqaalaha Dawladda.

 kulankaas waxa furay gudoomiye ku xigeenkii hore ee Hay’adda shaqaalaha dawladda Cabdikariim Maxamed Xaaji Cali,  agaasimaha guud   Maxamed Geeddi Caynaanshe, agaasimaha waaxda qiimaynta iyo dabagalka hawl-qabadka shaqaalaha dawladda iyo ku xigeenkiisa iyo Sarkaal ka tirsan mashruuca dib u habaynta shaqaalaha dawladda ee Baanka adduunka.

Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay gudoomiye ku xigeenkii hore ee hay’adda shaqaalaha dawladda Cabdikariim Maxamed Xaaji Cali, oo sheegay in ujeedka kulanka wada tashigu uu yahay sidii hay’adda shaqaaluhu aanay ugu koobnaan lahayn  Qiimaynta hawl-qabadyadda Shaqaalaha Dawladda, balse ay wada-tashi balaadhan kala samaynayso Wasaaradaha iyo Hay’addaha Dawladda si qaabka ugu haboon loogu maareeyo Qiimaynta shaqaalaha.

Agaasimaha waaxda qiimaynta iyo dabagalka ee Hay’adda Shaqaalaha Saleebaan Maygaag Obsiiye, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay Hay’adda shaqaalaha ka go’an tahay in la abuuro jawi shaqo oo soo jiidasho leh, kuna dhisan maamul-daadejin iyo isla xisaabtan shaqo oo Saldhig u ah in la sameeyo qiimayn dhex-dhexaad ah oo caddaalad ku dhisan.

Xirsi Cabdilaahi Ismaaciil, Xidhiidhiyaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha ee Mashruuca tayaynta shaqaalaha Dawladda oo isna halkaas ka hadlay ayaa kula dardaarmay ka soo qeyb-galayaasha inta uu kulanku socdo in ay ku dedaalaan sidii loo soo saarilahaa talooyin wax ku ool ah, taas oo loo gudbin doono agaasimayaasha guud iyo guddiga Farsamo ee tayaynta shaqaalaha Dawladda, oo iyaguna la sii wadaagi doona golaha wasiiradda ee gacanta ku haysa Mashruuca Tayaynta Shaqaalaha.

gebogebadii waxa kulankaas soo xidhay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Maxamed Geeddi Caynaashe, isaga oo kula dardaarmay Agaasimayaasha Cududa shaqaalaha ee Wasaaradaha iyo Hay’addaha Dawladda inay caddaalad ka sameeyaan qiimaynta ay shaqalahooda ku samaynayaan, isaga oo intaas raaciyay in higsiga dhaw ee ay leeyihiin tahay sidii guud ahaanba shaqaalaha dawladda ee muujiyay hawl-karnimadda iyo hal abuurka loo abaal marin lahaa munaasibad guud oo Qaran.