Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Oo Aqoonyahanka Gobolka Sanaag Ka Qaaday Imtixaankii 50 Kaalmo Shaqooyin Oo Dawladdu Qaadanaysay Loo Galay

Hargeysa- (warsoor) – Hay’adda shaqaalaha Dawladda Somaliland, ayaa Imtixaankii loo gelaayey 50 kaalmo shaqo ee dawladdu ka qaadanaysay gobolka Sanaag  ka qaaday Wiilal iyo Gabdho Aqoonyahanka iyo Jaamiciyiinta ku dhaqan Gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle iyo Wefti uu hogaaminaayo kana mid ahaayeen  Guddida Hay’adda shaqaalaha oo maalmihii u dambeeyey magaaladda Ceerigaabo ku sugnaa, ayaa Maanta Xarunta Jaamacadda Ceerigaabo University, waxay Imtixaan kaga qaadeen kaga qaadeen Aqoonyahanka iyo Dhalinyarta Wiilasha iyo Gabdhaha ku  dhaqan gobolkaasi Sanaag kuwaasi oo Tartan u geli doono 50 Kaalmo shaqooyin oo dawladdu qaadanayso, waxaana Imtixaanka  shaqooyinka dawladda loo gelaayo  iyada oo md sharmarke Geelle uu faahfaahin ka bixiyey nidaam ay Imtixaanka dadka shaqo doonka ee Gobolka Sanaag ka qaadeen u soo diyaariyeen waxa uu farta ku fiiqay inay Macalimiin iyo rag aqoonyahana Khabiiro ahi diyaariyeen Imtixaanka loona qaadayo hab casri ah oo xata Macalinku aanu aqoonsan Karin magaca qofka shaqo doonka ee Imtixaankiisa uu sixi doono isla markaana la dhaariyey Macalimiinta Imtixaankaasi ku kala saari doona dadka 50 kaalmo shaqo gobolka Sanaag tartanka ugu geli doona.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle  waxa uu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay isaga oo sharaxaayey Imtixaanka tartanka 50 kaalmo shaqo ee dawladdu ka qaadanayso Gobolka Sanaag ay u qaadayaan waxaanu yidhi “Ugu horeyn Illaahay waxaan idiinka rajaynayaa guul iyo intii Illaahay u calfo ee ku guulaysata Imtixaankani shaqooyinkaasi loo geli doono uu ALLE u barakeeyo, Imtixaankan aynu maanta sameynayno Isla saaka ayaa la sameeyey oo imika ayaa la daabacay isla Imikana waad geli doontaan, waxaanan dedejin doona marka natiijadiisu soo baxdo maaha Imtixaan aynu siday waxaanan dedejin doona inay natiijadiisu hore u soo baxdo maaha Imtixaan aynu sidanay oo meel kala nimid ama Imtixaan hore u sii jiray saacaduna hada waa 12:00 Maalinimo waxaynu xiliga Imtixaanka u qaadayno Imtixaanka oo aan ahayn mid hore u sii diyaarsanaa, marka 2aad Warqadaha aad ku geli doontaan halka sare ee  aad magacyada ku geli doontaan waa laga jarayaa hadhaw macalimiinta qof kasta Imtixaankiisa uu galay sixi doonta waxay sixi doonaan (Serial Number) iyada oo macalin kasta qofka uu saxaayo aanay u suurto geli doonin in uu magaciisa arko maadama oo laga gooyey warqad kasta magaca qofka lana sixi doono (Serial Numberka)”

Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo hadalkiisa sii wata waxa uu farta ku fiiqay inay Imtixaanka qaadayaan macalimiin iyo rag kale oo Khabiiro ay dhaariyeen isla markaana hab casri ah oo aanay suurto gal ahayn in macalimiintu aqoonsan karaan qofka shaqo doonka  ay Imtixaankiisa saxayaan waxa uu yidhi “Si aynu caddaalada u sugnaato anaga oo ku kalsoon macalimiinta aanu wadano iyo waayeelka nala socda , hadana mar kale waxaanu sii adkaynay in qalbigiinu caddaalada u soo dhawayno waxaanu sidana KITAAB aanu ku dhaarino dhamaan intiina Imitixaanka qaadaysa si intiinaasi aad caddaalad ku soo kala baxdaan iyada oo marka horeba oo aanu masaafo fog ka soo qaadnay si iyaga oo dadku iyaga oo Ceerigaabo jooga ay halkoodan shaqooyinka ugu guulaystaan , hadana waxaanu sii adkayn doona in qalbiyaddeena iyo Qarankeenu caddaalada u sii dhawaadaan”

Guddoomiye Sharmarke Geelle wax uu ugu dambeyntii ka hadlay fursadaha shaqo ee gobolka Sanaag yaala “Sido kale waxa idiin furan fursado kale oo shaqo abuuriseed oo ah barnaamijkii Shaqo qaran oo inteena shaqooyinkani Imtixaanka u gelaaya mooyaane, hadana mudo ka dib waxaynu qaadanayenaa Barnaamijka shaqo qaran, balse maanta Imtixaankani aynu qaadayno waxa ku soo bixi doono 35-ka Wiil iyo 15-ka Gabdhood ee ugu sareeya Imtixaankan, ka dib barnaajijka ka dambeeya kan xigana waxa la qaadan doona 330 qof oo 99 Hablo yihiin inta kalena Wiilal yihiin iyo Kootadii loo gooyey dadka naafadda ah, waa shaqaalaha gobolka Sanaag uun looga qaadan doono barnaamijka Shaqo qaran , waxaan rajaynayaa mudo yar gudaheed 330-ka iyo 50 fursad shaqo ee Imtixaanka maanta loo gelaayo 380-ka wixii macalimiin iyo caafimaad ah, in tiro badan oo inaga inaga mid ahi ay shaqooyin gobolka Sanaag Inshaalaah ka hesho, calaf wanaagsan iyo nasiib fiican ayaan Inshaalaah shaqooyinka idiinka rajaynayaa maanta intiina Imtixaankan galaysa 50-ka qof ee ugu sareeya ee soo bixi doonta waxaanu kala gayn doona wasaaraddihii soo kala codsaday iyada oo ku kala salaysan saddexda Imtixaan ee aynu kala galayno  iyada oo ilaa saakana aanu dib u eegaynay shahaadooyinka (Oroginalka) ah iyo si aanu uga saarno cidii qalad ku soo xaraysatay sido maadooyinka aan aad ugu tacaluqin Imtixaanka shaqooyinka aynu u galayno iyo wixii kale ee u baahan in aan dib u habayno intaba waanu saxnay oo ka saarnay meesha dhamaantiin waxaan idiin rajaynaynaa guul Imtixaankuna wuxu socon doona 2 saacadood”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.