Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Tobabar Shaqada Siisay Guulaysteyaashii Goboladda

Hargeysa – (warsoor) – Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa shaqaalihii cusba ee goboladda Awdal iyo Togdheer dawladdu ka qaadatay loona qabtay Tababarka Indho-Furka shaqaalaha ku kala wareejisay Wasaaraddaha iyo hay’addaha dawliga ee boosaska shaqooyin ka banaanaayeen.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle  oo Qoraal uu warbaahinta ugu talo galay oo uu soo saaray ku sharaxaaya qaabka shaqaalihii cusba ee dawladdu gobolada Awdal iyo Togdheer ka qaadatay oo tababaro Indha-furka shaqaalenimo ay hay’adda shaqaaluhu ku sii carbisay ka dib ay ku wareejiyeen shaqaalihii cusba wasaaraddaha iyo hay’adda hawliga ee boosaska shaqaale ka banaanaayeen waxaana  qoraalka sharmarke Geelle u dhigna sidan. .

Tobabarkan oo socday mudo laba casho ah ayaa , waydiimo iyo warcelin kadib, waxaa si habsami ah u soo dhammaaday qorshaynta iyo qaybinta Guulaysteyaashii dhawaan kasoo dhex mudhay tartamadii dalka ka qabsoomay qaybtoodii Gobollada Awdal iyo Togdheer –

Hay’adda Shaqaalah Dawladda aya Guulaysteyaasha ku dardaartay horumarinta Gobolka iyo guud ahaan-ba Qaranka waxaana loo ballamay shaqo hufan iyo adeeg qof walba oo muwaadin ahi halkiisa ku helo. -Adeeg bixinta oo qayb-weyn ka ah ujeedooyinka Dawladnimada shacabku u samaystaan ayaa sannadkan 2019 kamid ah tiiraarka ugu waawayn ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu beegsanayso iyada oo lagu gaadhayo ; kor u qaadida xadiga, xirfada iyo agabka Shaqaalaha Dawladda JSL.

Tobabarkan oo mar ka wada furmay gobolada Awdal iyo Togdheer halkaas oo si talan-taali ah marba uga socon doonna laba gobol iyada oo looga dan leeyahay kobcinta iyo maamul-daajinta shaqaalaha Dawladda JSL.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.