Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Tartanka Kaalmo Shaqo Ku Qabatay Hargeysa Iyo 5-Gobol Oo Ay Horay Ugu Soo Qabatay

Hargeysa – (warsoor) – Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa Gobolka Maroodi Jeex si rasmi ah uga bilawday Tartankii loo gelaayey Imtixaanka 50 Kaalmo shaqooyin ee dawladdu ka qaadanayso Aqoonyahanka Gabadhaha iyo Wiilasha gobolka Maroodi Jeex ku nool oo Maalmaha Arbacada iyo Khamiista laga kala qaadayo Tartanka Imtixaankaasi Kaalmaha  shaqooyinka dawladda ka banaan loo geleeyo.

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle iyo Saraakiisha kale ee Hay’adda shaqaalaha dawladda, ayaa Xarunta Hoolka Hay’adda shaqaalaha ee dawladda Arbacadii maanta (Shalay) waxay Gobolkii 6aad oo Gobolka Maroodi Jeexa si rasmi ah uga daahfurtay  Imtixaan laga qaadayo  Aqoonyahan Wiilasha iyo Gabadhaha Gobolka Maroodi Jeex tartan Imtixaan u geli doona  50 kaalmo shaqooyin oo dawladda ka banaan, waxaana Gobolka Maroodi Jeex oo ah gobolkii u dambeeyey ee Deegaanadda Somaliland ay hay’adda shaqaalaha dawladdu ku qabanayso Imtixaanka shaqaalaysiinta shaqooyinka dawlada ka banaan uu socon doona Maalmaha Arbacada iyo Khamiista oo loo kala qaybiyey dadka u tartamaaya shaqooyinka dawladda ee 50 kaalmood ah.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo Xarunta Hay’adda shaqaalaha khudbad dardaaran iyo talooyin ah u jeedinaayey  macalimiinta  loo dhaariyey inay  Imtixaanka ka qaadaan  Aqoonyahanka Wiilasha iyo Gabdhaha ee gobolka Maroodi Jeex ugu tartami doona 50 kaalmo shaqooyin ee dawladdu qaadanayso waxaana hadalka md Sharmarke Geelle ku yidhi “Tan iyo intii kaalmo Shaqo oo gaar ah kooto loogu xidhay tartamayaasha gabdhaha ah ee dalka waxaa kor u kacay; fursada guusha, helida degaan u saamaxa tartan hufan hablaha iyo niyada soo xaraysiga shaqo ee gabdhaha wax bartay ee reer Somaliland, taasi waxa ay ilaa imika fursada guusha siisay 75-kii gabdhood ee gobol walba ugu sareeyey dhanka gabadhaha halka tartanka Gobolka Maroodi-jeex oo isna maanta bilowday ay guulaysan doonnaan 15-ka hablood ee ugu sareeya tartamayaasha gabdhaha. Tallaabadan kor loogu qaadayo daah-rognaanta tartamada iyo qiimaynta qalinka ayaa qaranka u horseedi doonta helida shaqaale haboon oo tartan hufan kusoo baxay”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.