Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Si Dar Dar Leh Deegaanadda Galbeedka Somaliland Uga Wada Hawlgalka Diwaangelinta ee Madax Taabashadda Iyo Tayeynta Shaqaalaha Dawladda

Hargeysa – (warsoor) – Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa si dar dar iyo xawli ah uga wada barnaamijka diwaangelinta ee Madaxtaabashadda iyo Tayeynta Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, waxaana deegaanadda hada laba bilaabay ka mida diwaangelintaasi Degmadda Dila shaqaalaha dawladda ee ka hawla halkaasi.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo mudo ka badan Bil hada ku gudo jira barnaamijka Diwaangelinta , Tirinta iyo Madax taabashadda ee Shaqaalaha dawladda Somaliland, ayaa isaga oo tafaasiil ka bixinaaya habka ay u wadaan shaqada iyo deegaanka Dila ee Galbeedka Hargeysa oo ay hada ka bilaabantay hawsha madaxtaabashadda iyo tayeynta ee shaqaalaha dawladdu waxa uu ku yidhi qoraalkiisa.

Dilla oo maanta la Diiwangeliyey

– Waxaa si dardar le u socota diiwaangelinta shaqaalaha dawladda ee ka hawl-gala dhammaan xarumaha iyo gobolada dalka, waxaana maanta si wanaagsan loo diiwaangeliyey shaqaalaha dawladda ee ku suggan degmada Dilla halkaas oo maalmahan loo dhaafi doonno degmooyinka xeebaha ee gobolka Awdal.

– Shaqaalaha ayaa ku qaabilaya hawl-qabadkan rejo iyo riyaaq iyaga oo huba in ay u horseedi doonto horumar iyo hiigisi cusub

Jid iyo Jiho Cusub.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.