Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Kulan la Yeelatay Agaasime Waaxeedyadda Maamula Maaliyada Iyo Cudduda Shaqaalaha Ee Wasaaraddaha Iyo Hay’addaha

Hargeysa – (warsoor) – Hay’adda shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kulanka loogu diyaar garoobaayo daahfurka Mashruuca labada bilood ee soo socda dalka ay ka bilaabayso Hay’adda Shaqaalaha dawladdu ee Tiro koobka Madax taabashadda,  tirinta iyo tayeynta shaqaalaha dawladda shir kala yeeshay Agaasime  waaxeedyada Maamulka & Maaliyada iyo Maamulka Cudduda Shaqaalaha ee dhamaan dalka Somaliland.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa qoraal uu kulankan ay maanta la yeesheen Hay’adda uu madaxda ka yahay Agaasime Waaxeedyada Maamulka & Maaliyada iyo Maamulka Cudduda Shaqaalaha ee dhamaan dalka Somaliland, waxa uu faahfaahin kaga bixiyey inay in u jeedada kulankani ahaa dardargelinta iyo diyaar garoowga barnaamijkii ugu cusla ee shaqaalaha tiro iyo tayaba ay dawladdu ku sugayso oo dhawaan dalka ka bilaabmi doona.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo qoraalka uu kaga warbixinaayo  shirka diyaar garawga iyo dardargelinta  barnaamijka  barbilowga madax taabashadda  tirinta iyo tayeynta shaqaalaha  dawladda Somaliland ee dalka ka furmi doono,  waxa uu qoraalkiisa ku yidhi sidan.

Kulan wada-tashi iyo diyaar garow ah oo hay’adda shaqaalaha dawladdu la yeelatay agaasime-waaxeedyada Maamulka & Maaliyada iyo Maamulka Cudduda Shaqaalaha ee dhamaan dalka

– Kulankan ayey muhiimadiisu ahayd dardargelinta shaqada baaxada badan ee dhawaan hay’adda shaqaalaha dawladdu hufid iyo horumarin ugu samayn doonto dhamaan shaqaalaha dawladda

– Intii kulanku socday waxaa lagala hadlay agaasime-waaxeedyada; diyaarinta shaqaalahoodii iyo shuruudaha looga baahan yahay marka xafiiska loogu yimaado

– Waxaan wax kamid kala wadaagnay hiigsiga fog ee qorshahan ku aadan tayyeynta shaqaalaha dawladda kaasoo leh qorshayn, qaabayn, qalabayn , siyaasado iyo shaqo-daadajin ba.

– Waxaa sidoo kale u sheegnay waaxyaha maamulka maaliyada in isla marka la dhameeyo suggida tirada shaqaalaha dawladda iyadoo la kaashanayo bangiga dhexe la hirgalin doonno in qof walba lacagtiisa xisaab isaga u gaar ah ka qaato iyadoona meesha laga saari doonno in qof keliya soo qaado mushaharka iyo gunnada shaqaalaha

– Ugu dambayn waxaan masuulyiinta wasaaradaha iyo hay’addaha dawlada kala wareegnay liisaska magacda shaqaalaha ee ku sugan xarumaha iyo gobolada dalka , kaasi oo aan isku hubin doonno liiska u yaala xafiiska xisaabiyaha guud iyo hay’adda shaqaalaha

Bilowga Shaqaale tirsan oo tayyo le iyo adeeg hufan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.