Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Gobolkii 5aad Oo Awdal Ah, Soo Bandhigtay 50-Kii Aqoonyahan Ee Ugu Guulaystay Imtixaankii Shaqaalaha Cusub Dawladdu Gobolkaasi Kaga Qaadatay

Hargeysa – (warsoor) – Hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland, ayaa kulan dardaaran iyo Hambalyo ah magaaladda Boorame kula yeeshay 50-kii Wiilasha iyo Gabdhaha aqoonyahanka gobolka Awdal ee ka soo baxay 368-kii qof ee Tartanka Imtixaanka shaqooyinka dawladdu qaadanayso ka qaybgalay.

Kulan Xarunta Jaamacadda Camuud ee Magaaladda Boorame ka qabsoomay kana soo qaybgaleen Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud ee gobolka Awdal Professor Saleebaan Axmed Guuleed, Badhasaabka iyo Duqa golaha deegaanka ee magaaladda Boorame, ayaa halka kulan dardaaran iyo Hambalyo ah loogu sameeyey 50-kii aqoonyahan ee gobolka Awdal nasiibka u yeeshay in Imtixaankii halka hay’adda shaqaaluhu ka qaaday dhawrka boqol ee qof ay noqdeen tiradani dadkii ku guulaystay inay Shaqaalaha hay’addaha kala duwan ee dawladu qaadatay noqdaan, waxaana halkaasi kelmado dardaaran iyo bogaadin  ah uga jeediyey 50-kaasi qof ee guulaysta yaasha noqday  Guddoomiye sharmarke Geelle iyo madaxdii iyo masuuliyiintii kale ee xafladdaasi kala qaybgalay.

Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali oo isagu ugu horeyn kalmadiisa ka jeediyey madashii Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu laamaha Dawladda ku gudoonsinaysay kaadhka Shaqaalenimo ayaa ku ammaanay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo uu ku tilmaamay masuul si hawl karnimo iyo dedaal ka muuqdo waajibkiisa shaqo ee qaranka uga soo baxay.

Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo isaguna halka khudbad kooban ka jeediyey waxa uu amaanay  hawl karnimada iyo dedaalka guddoomiye sharmarke Axmed Muxumed Geelle ku wado hawsha adag ee dawladdu gobolada dalka kaga shaqaalaysiinayso aqoonyahanka iyo dhalinyarta dalka, isaga oo dhinaca kale Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi hogaamiyo ku amaanay kuna bogaadiyey nidaamkan cusub ee gobolada dalka shaqaalaha cusub ay dawladdu sida daaha furan uga qaadatay taasi oo uu dawladda u soo jeediyey talo uu ku siiyey inay nidamkan oo dhinaca caddaaladda mid loo qaaday ku sifeeyey inay halka ka sii wado hada wixii ka dambeeya oo soo jeediyey Prof. Saleebaan.

Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo ugu dambeyntii kulanka hay’addiisu ku qaabishay magaaladda Boorame 50-kii qof ee wiilasha iyo gabdhaha aqoonyahanka gobolka Awdal ugu guulaystay Imtixaankii shaqooyinka dawladdu ay gobolka Awdal ka qaadatay waxa uu yidhi “Waxaan aad iyo aad idiinku bogaadinayaa guushan aad 50-kiina aqoonyahan ee reer Awdal maanta haysaan oo ilaa ubadka aad dhasheen Ab ka Ab Tartan sidan oo kale layskugu yimid aad intiinani mid kasta ka mid ahaa 50-ka qof ee ugu sareeyey ee shaqaalaha dawladda inay ka mid noqdaan ku guulaystay waxaan bogaadinayaa nafihiina waxaan sido kale bogaadinayaa dawladda idiin fududaysay inay maamul daadejin iyo Imtixaano iyo caddaaladda sida ay dalkA u socoto oo runtii dawladda imika jirta oo gacan wayn ka geysanaysa oo nidaamka dawladnimada bixinaysa  iyo  maamul daadejinta iyo Imtixaamadda nidaamka noocaasi ah suurogelinaysa, xili ay dawladdaha kale ee  koraaya siyaasiyan ku adag tahay in maamul daadejin iyo Iftiin dawladnimo oo noocan oo kale ahi uu ka suurto galo, intiinan dhamaantiin saaka waa barkhad, bishaaro iyo bogaadin halkan aynu iskugu nimid in aad dadkii Imtixaanka idinkala qaybgalay ugu sareyseen, waxa kale oo aan aad iyo aad u bogaadinayaa tiradii kale ee calafku maanta aanu u qorin inay guulaystaan ee sida haneynta iyo hibada iyo geesinimada leh ee runtii kaalintoodii u qaatay ay tartanka kaga qaybgaleen, Tallaabadani waxay Rejo Iyo Hiil U tahay dhamaan Waxbarashada waxa aanay soo celinaysaa dedaalkii iyo niyadi waxbarashda”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.