Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Ayaa Furay Shirka Ansixinta Hagayaasha Maamulka Iyo Baadhista Nidaamka Mushahar-Bixinta Shaqaalaha Dawladda

HARGEYSA – (WARSOOR) – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Maxamed Geeddi Caynaanshe ayaa sheegay in hawshani ay tahay mid muddo soo socotay, Isla-markaana ujeeddada ugu wayn ee laga leeyahay tahay Sugista iyo Tayaynta Xaashida Mushahar-bixinta shaqaaaha Dawladda, isaga oo u mahad-celiyay Wasaaradihii iyo Hay’adihii Hawshan kala shaqeeyay.

Mr. Peter oo ah la taliyaha hawshan kala shaqaynayay Hay’adda shaqaalaha ayaa sheegay in shaqaddan Baadhista Xaashida Mushahar-bixinta ay ka sameeyeen 42 Wasaarood iyo Hay’ad dawladeed, waxaanuu intaas ku daray in samaynta hagayaashani ay noqon doonaan guulaha ugu waawayn ee ay Somaliland gaadhay gaar ahaan Hay’adda Shaqaalaha, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Xisaabaadka Guud ee qaranka, isla markaana ay noqonayaa wax qaranku uu u aayo mustaqbalka.

Agaasimaha Fulinta ee Mac-hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda oo halkaas ka hadlay ayaa soo jeediyay in si wayn loo lafa-guro qodobbada ku Duugan Hagayaashan lagu maamulayo Xaashida Mushahar-bixinta, Isla-markaasna la waafajiyo nidaamka haatan jira.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Farxaan Aadan Haybe ayaa sheegay in ay guul wayn tahay in Hay’adda shaqaalaha Dawladdu soo gaadho in ay Hubin buuxda ku samayso xaashiyaha Mushahar-bixinta shaqaalaha Dawladda iyada oo ay si dhow uga wada shaqaynayaan Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka. 

Guddoomiye Farxaan wuxuu u soo jeediyay ka soo qayb-galayaasha Shirka in ay wakhti fiican geliyaan sidii ay u soo saari lahaayeen go’aamo Qaranku u aayo.

Ugu dambayn wasiirka shaqo-galinta, qoyska iyo arrimaha bulshada Somaliland Mustafe Godane Cali Bile ayaa ku bogaadiyay Hay’adda Shaqaalaha muddadii ay hawshan soo wadday.

Wasiir Mustafe Godane wuxuu xusay in baadhista iyo hubintan lagu samaynayo nidaamka Mushahar-bixineed ee dalku uu Meesha ka saarayo wixii khaladaad iyo caqabado ah ee hadda jira.