Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Oo Imtixaano Ka Qaaday Shaqaalaha Aan Rasmiga Ahayn Ee Gobolada Maroodi-Jeex, Awdal Iyo Togdheer

HARGEYSA – (WARSOOR)  – Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland ayaa maanta Imtixaan ka qaaday shaqaale dhan 736, ka mid ah hormada koobaad ee shaqaalaha aan rasmiga ahayn ee gobolka Maroodi-jeex.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Farxaan Aadan Haybe, ayaa sheegay in imtixaanku ka bilaabmay guud ahaan gobolada dalka muddo wiig ah ka dibna la soo saari doono natiijada imtixaanka.

“Waxaanu maanta imtixaanka shaqaalaynta rasmiga ah iyo qiimayn u fadhiistay shaqaale dhan 736 xubnood kuwaas oo xafiisyada Hayada Shaqaalaha Dawlada ee lixda gobol ee dalka isku mar ka wada bilaabmay, waana dafcadii koowaad ee qayb ka ah 1610 shaqaale kumeel gaadh ahaa ee hore loo diiwaangeliyay una soo gudbiyeen Wasaaradaha iyo Hayadaha Dawlada JSL. Dafcada labaadna sida ugu dhakhsaha badan ayaa loo soo wargelin doonaa xubnaha hadhay ee shaqaalaha kumeel gaadhka ah, waxaana la qorsheeyay in dhamaantood ay si rasmi ah u galaan payrollka shaqaalaha Dawlada bishan 4aad April insha allah.” Ayuu yidhi Gudoomiye Farxaan Aadan Haybe.

Geesta kale sida ay ku soo warmayaan wariyeyaasha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama gobolada Togdheer iyo Awdal waxay hay’adda shaqaalaha dawladu imtixaano ka qaaday  qaybtii kuwaad ee shaqaalaha aan rasmiga ah ee ka hawl-gala hay’addaha laamaha dawlad ee goboladaas, kuwaas oo darajadoodu tahay A iyo B, iyadoo gobolka Togdheer ay u fadhiisteen 36 xubnood, halka gobolka Awdal-na ay u fadhiisteen 70 xubnood.Masuuliyiinta goboladaas iyo isu-duweyaasha goboladaas ee hay’addas shaqaalaha dawlada ayaa shaqaalahaas imtixaanadaas galaaya u rajeeyay inay imtixaankaas guul ka gaadhaan iyadoo gobolka Togdheer ay imtixaankaas galeen.