Hay’adda Qurbajoogga Somaliland Ee W/Arrimaha Debadda JSL Oo U Qabatay Wasaaradaha Kulan Lagaga Wada Tashanayay Horumarinta U Adeegista Bulshada Qurbajoogga

Hargeisa – (warsoor) – Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ee W/Arrimaha Debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JSL ayaa maanta Khamiis 19-ka April ugu qabatay kulan wadatashi oo lagaga arrinsanayay horumarinta u adeegista bulshada Qurbajoogga ah JSL qaarka mid ah Wasaaradaha laf dhabarta ah yo Hay’adaha Dawlado kala duwan oo ka tirsan dawladda JSL, iyo xubno ka mid ah ganacsatada qurbajoogga ah ee dalka maalgashaday.

Kulankan oo ka dhacay Hudheelka Crown ee Magaalada Hargeysa ayaa Hay’adda Qurbajooggu waxa ay ku soo bandhigtay buug yare qabyo-qoraal ah oo ku saabsan adeegyada kala duwan ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda qaarkood iyo dawladda hooseba u qabtaan bulshada sida diwaangelinta iyo ruqsadaha/liisamada ganacsiyada kala duwan, xogo ku saabsan tacriifadaha cashuuraha, diwaangelinta dhulka iyo samaysashada faylasha, tasdiiqinta dhukmentiyada, adeegyada qunsuliyadeed, socdaalka iyo dalxiiska, qaashada kaadhka muwaadinnimada iyo shuruucda la xidhiidha helista muwaadinnimada JSL, xogo ku saabsan adeegyada garsoorka iyo shareecada, iyo dhammaan qodobadaas shuruudaha, habraacyada iyo nidaamyada loo maro.

Kulankan wadatashi oo uu furay Agaasimaha Guud ee W/Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Mudane Cabdinaasir Axmed Xirsi ayaa ujeedadiisu daarranayd in Wasaaradaha kala duwan iyo Hay’adaha Dawladda ee adeegyadaas qabtaa dib u eegis ku sameeyaan, ka faalloodaan, saxaan, oo la hagaajiyaan Hay’adda Qurbajoogga si loo dhamaystiro looguna baahiyo Mareegta Hay’adda Qurbajoogga ee iyada lafteedana dib u dhis hawshan la xidhiidha ku socdo (www.sldiasporaagency.com/www.sldiaspora.org).

“Waxa aan kulankan isugu yeedhnay inka badan illaa 30-Hay’adood oo Wasaarado, Hay’ado Madax-bannaan iyo Wakaalado Dawli ah isugu jira, qaarka mid ah ganacsatada Qurbajoogga ah ee dalka maalgashaday, Hay’ado kale iyo adeeg bixiyayaal madax-bannaan oo kala duwan. Ujeedada aan isugu kiin yeedhnay waa inaad naga caawisaan dib u eegis iyo dhamaystir aan ku samaynno qabyo-qoraalka buug yaraha idin horyaalla oo aan doonayno inaan ku ururinno adeegyada dawladdu bixisiyo, shuruudaha iyo shuruucda ku xidhan si aan ugu fududaynno bulshadeenna Qurbajoogga ah ee dalka ku soo noqonaya, maalgashanaya, dhisanaya ee waxka qabsanaya oo tiradoodu aad usoo kordhayso. Ujeedada labaad waa inaan xoojinno xidhiidhka wada shaqayneed iyo iskaashiga aan leennahay Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dawladda oo iyagu haya ama bixiya adeegyada ay Qurbajooggu u baahanyihiin annaguna aannu qaabilsannahay isuduwidda iyo xidhiidhka guud ee Qurbajoogga iyo dalka,” ayuu yidhi Agaasimaha Fulinta Hay’adda Qurbajoogga Xasan Axmed Yuusuf oo ka hadlayay ujeedooyinka ay kulanka u qabteen. Waxa uu ka codsaday Agaasimaha Fulinta Hay’adda Qurbajooggu Wasaaradaha kala duwan inay fududeeyaan habka adeeg bixinta, isla markaana xoojiyaan wada shaqaynta ka dhaxaysa Hay’addan ee khusaysa guud ahaan u adeegista Qurbajoogga oo ay ka midtahay inay sannad walba dadka yimaada dalka ay ku jiraan dad waaya arag ah iyo dhalinyaro u heellan inay si tabaruc ah ugu shaqeeyaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda muddada gaaban ee fasaxyadooda.

Waxa ka mid ahaa Agaasime-waaxeedyada iyo saraakiisha ka socotay Wasaaradaha Waxbarashada & Sayniska, Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska, Boosaha & Iskaadhsiinta, Hawlaha Guud, Dhulka & Gaadiidka, Arrimaha Garsoorka, Arrimaha Gudaha, Horumarinta Beeraha, Deegaanka & Horumarinta Reer Miyiga, Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Hay’adda Maamul-wanaagga & La-dagaalanka Musuqmaasuqa, Wasaaradda Maaliyadda gaar ahaan Waaxda Xisaabaadka, Waaxka Kastamada ee Wasaaradda Maaliyadda iyo masuuliyiin kale kuwaasoo dhammaantood ka faallooday buugga Hay’addu ku ururisay adeegyada dawladdu bixiso, kana faallooday oo badankoodu ansixiyeen, qaarkoodna faallooyin waxka bedel iyo waxyaabaha ka dhiman soo jeediyeen. Wasaaradda Ganacsiga ayaa ka warrantay shuruuc cusub iyo nidaamyo dhiirrigelinaya ganacsiga iyo maalgashiga oo la dhamaystiray.

Waxa kale oo ka ka hadlay Kulanka xubno ka mid ah Qurbajoogga dalka maalgashaday ee ganacsiyada kala duwan ku leh oo ka hadlay caqabadaha tirada badan ee ganacsatada Qurbajooggu kala kulmaan adeegyada dawladda sida cashuuraha filiqsan ee qaababka baahsan loo qaado dawladda dhexe iyo dawladda hoose, diwaangelinta ganacsiyada iwm, waxana ka mid ahaa Mulkiilaha Hudheelka Adams INN, Aden Xirsi, Mulkiilah/Maareeyaha Warshadda Nuuriye Napkins ee samaynta sooftiga Aden Caana-nuug, Mulkiilaha Supermarket-ka Asma Style, Asma Axmed, Shirkadda Somaliland Vegetables Oil. Qurbajooggan ayaa sheekeeyay waaya aragnimo badan oo ay kala kulmeen habka adeeg bixinta dawladda, wada shaqaynta Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda, iyo arrimaha dhaqanka bulshada balse dhinaca kale tilmaamay inay jecelyihiin inay ka shaqaystaan oo waxka qabsadaan, soona jeediyay in laga wada shaqeeyo tayaynta iyo horumarinta habka adeeg bixinta Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda JSL, la mideeyo, lana fududeeyo waxbadan haddii Alle Idmo.

Sidoo kale waxa ka soo qaybgalay shirkan masuuliyiin ka socday Hay’adaha IOM, ARC iyo UNDP. Marwo Fathia Abdullahi oo ka socotay Hay’adda IOM ayaa ka warrantay in Hay’adda IOM aad ula shaqayso Qurbajoogga, isla markaana ay taageeraan mashaariic waxku ool u ah Dawladda iyo dalkaba oo Qurbajoogguna ka faaiidaystaan ama door ku leeyihiin, dalkana ay ku soo celiyaan Qurbajoogga.

Source: Somaliland Diaspora Agency

Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.