Hay’adda Qaxoontiga Oo Gobollada Dalka U Kala Dirtay Shaqaale Soo Ururin Doonna Xogta Barokacayaasha

Hargeysa – (WARSOOR) – Hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka ayaa saaka u kala dirtay gobollada dalka shaqaale ka hawlgeli doonna soo ururinta xogaha dadka barokacayasha ah ee ku nool kaamamka ku yaalla gobollada dalka.

Xog ururintan ayaa waxa ka qayb qaadanaya 68 shaqaale ah oo ka tirsan hay’adda qaxoontiga iyo barokacayaasha qaranka. Agaasimaha waaxda barakacayaasha ee hay’adda qaxoontiga Maxamed Yuusuf Cali iyo Cali Caliyaw iyo Axmed Nuur Faahiye oo ka mid ah Iyana la talilyayaasha hay’adda, ayaa sheegay in u jeeddada ugu weyn ee hay’adda qaxoontigu ay ka leedahay barnaamijkani ay tahay sidii loo ogaan lahaa tirada dadka barakacayaasha ah ee ku nool Somaliland.

Waxaana ay xuseen in hay’addu ay ku go’aan qaadan doonto xogta rasmiga ah ee kasoo baxda barnaamijkaasi. Waxa sidoo kale goobtaasi hadal kooban ka jeediyay Nuuradiin Aadan Cumar oo ka socday hay’adda IOM, taasoo hay’adda qaxoontiga gacan ka siinaysa barnaamijkan xog ururinta ah.

Guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barokacayaasha qaranka Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) ayaa sheegay inay xogtani noqon doonto xog uu qaranku yeelan doonno, taasoo ku koobnaan doonta barokacayaasha qaranka, si dadkaasi magacyadood iyo goobaha ay degan yihiin loo heli karo marka uu qaranku uu u baahdo.

Guddoomiyuhu waxa uu intaas ku daray in dadka barokacayaasha ah ee la tiro koobayo ay yihiin oo keliya dadka u dhashay Somaliland oo aanay ku jirin dadka qaxoontiga ah ee kasoo jeeda waddamda Jaarka ah.