Hay’adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka Ayaa Magaaladda Caynaba Kula Wareegtay 450 Guri Oo Loohirgaliyay Dadka Barakacayaasha ah

Hargeysa – (warsoor) – Magaaladda Caynaba ee xarunta Gobolka Saraar waxa lagu qabtay munaasibad balaadhan oo Hay’adda qaxoontiga iyo barakacaayasha qaranku ay kulawareegaysay guryo ku meel gaadha oo loo hirgaliyay dadka barakacayaasha ah ee Gobolka Saraar.

Munaasibadan oo hanaan sare losoo agaasimay waxa ka soo qayab galay masuliyiinta Goboladda Togdheer, Sanaag, Saraar,Sool iyo masuliyiin ka socday Dawladda dhexe.

Guryaha ku meel gaadhka ah waxa loo hirgaliyay dadka ku barakacay abaarihii kala danbeeyay ee Goboladaasi waxana hirgalisay Hay’adda NRC.
Ugu horayntiina waxa halkaasi hadalo ka jeediyay Maayirada Cayanaba, Laas’aanood,xoghayeyaasha Dawladaha Hoose ee Burco iyo Ceerigaabo, waxayna ku dheeraadeen baahiyaha bulsho ee wakhtigan ka jira degmooyinka ay xilalka ka hayaan.

Agaasimeyaasha guud ee wasaaradda Hawlaha Guud, Shaqogalinta iyo qoyska marwo Sahra Basbaaso iyo Mukhtaar axamed Cali, oo munaasibadaasi ka hadlay waxa ay sheegeen in loo baahanyahay sidii looga jawaabi lahaa baahiyaha asaasiga ah ee bulshada barakacayaasha ah iyaga oo baaqna u diray Hay’adaha kala duwan.
Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir iyo Badhasaabka Gobolka Sarar Axmed Maxamed Xaashi, ayaa halkaasi ka hadlay “waxa halkan maanta Dawladda lagu wareejinayaa guryaha ku meel gaadhka ah ee ay hirgalisay hay’adda NRC. Horta ilaahay ayaa gacmihiisaha lagu dhergaa oo gacmo bani aadam laguma baahi baxo,Alle raxmaad khayr qaba ha inoo shubo, waxa kale oo aan iftiiminaya Goboladan baahiyo badan ayaa ka jira Hay’aduhuna wax raad reebaya runtii inta badan kama qabtaan marka iyagana waxanu kula dardaarmayna in wax bulshadan wax u taraaya la soo gaadhsiiyo” Cabdi Khayre Dirir.Badhasaabka Sool.

“waxa aan xilka jooga Gobolkan Sarara mudo kooban, safar xogogaalnimo ayaan baxay Gobolkan waxa ka jirta xaalad adag oo biyo la’aaneed aadbayna bulshadani ugu jilicsantahay in ay hesho biyo macaan, kuwa reer guuraaga ahna dee duruufo adag oo badan ayaa u sii dheer”Axmed Maxamud Xaashi, Badhasaabka Caynaba.

Waxa kale oo halkaasi isna hadal ka jeediyay Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda NEERAD ee ka hortaga aafooyinka dabiiciga ah iyo kaydka raashinka, Axmed Muxumed geele “waxa aanu qaranka wakiil uga nahay in aanu qiimayno abaaraha ama aafooyinka dabiiciga ah iyo kaydka raashinka qaranka, dee abaar ayaa dalka saamayn balaadhan ku yeelatay oo gobolkasta way ka jirta wixii aynu ka qaban karona waynu ka qabanaynaaye baryada Eebe uun aynu badsano Cirkaa dihin oo raxmdkiisa wuu inoo lisayaaye”
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha qaranka Cabdikariim Axmed Maxamed (Cabdikariim xinif) oo gabogabadii halkaasi ka hadlay waxa uu ka warbixiyay aqalada loo hirgaliyay dadka barakacayaasha ah ee gobolada “ waxa aan halkan maanta kagala wareegayaa Hay’adda NRC oo 450, guri oo ku meelgaadha u dhistay dadka barokacayaasha ah,Hay’adda NRC waxa ay ka mid tahay Hay’addo aad u tira badan oo dalka jooga raadkoodana wax ka sii muuqdaan”

Cabdikariin Xinif isaga oo magaaladda Caynabo kula hadlaya dad shan kun oo qof ka badan waxa uu yidhi “Somaliland abaaro way inagu dheceen laakiin meelkasta oo lagu barakacay waxa laga dhisay kumanaan kun oo Buul-hunguri, kii soo baracay ee bakhtiyayey waxa uga soo horaynaya kii daaraha ku jiray waa cadaalad daro,kii wax yar oo raashina loo soo dhiibaba jidka ayuu isutaagaya,waxa ku dhexjira kuwo fidmo ah oo dulmiyaaya inta jilicsan, waxa aan ku balan qaadaya in aan gabi ahaanba waxaas aan idinka sifeeyo adinkuna dulqaad u yeesha.

Waxa uu fariin u diray Hay’addaha caalamiga ah “ konton, sodon, Hay’adood ayaa xafiiska iigu imanaaya marka aad tidhaahdo waar adigu maxaad qabataana wax allaale waxay kuu sheegayaan ma jirto,Hay’adihii Gobol ayay isugu wada dul tegayaan waxa ay mid waliba ku odhanaysa Raashin baan qayabiyay, midkalena raashin baan qaybiyay, isku shaqo ayay meel ka qabanayaan, baahidoodiina iyaga ayaa qoranaaya waxa balana inaany dib udhici doonin Hay’adkastaana waxa ay ku shaqynaysaa baahida aanu anagu qorano ee Bulshadayada Haysa.Cabdi Kariin Axmed Maxamed (Xinifa)

Jaamac Aadan Maxamed.
Rafiiq Rashiid Bullo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.