Hay’adda IOM waxay ka digaysaa wararka leexsan ee ku saabsan Carwada soo-bandhigga sawirada ee ka socda Talyaaniga

NAIROBI – (warsoor) – Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) waxay la socodsdiinaysaa Shacabka Somaliland in aanay waxba ka jirin hadallada la isla dhex maraayo ee ku saabsan ka qayb-qaadashada IOM ee la xidhiidha carwada soo-bandhiga sawirada ee ka dhacaysa Torino, Talyaaniga. Sawiradani waxaa ay tusayaan kaamam qaxooti oon run ahayn oo ka jira Somaliland kuwaas oo  loogu tala galay dadka muhaajiriinta.

iom

Mr. Gerard Waite, Madaxa IOM ee xafiiskiisu yahay Nairobi, wuxuu yidhi: “fadlan waxaad  ogaataan in Marwo Suaad Omar Sheikh Isaxaaq, gabadha  qabanqaabisay carwada sawirada lagu soo bandhigay, iyadu ay iskeed u soo diyaarsatay iyadoo ah sawirqaade madax banaan. Marka ay sidan u soo bandhigtayna, waxaa ay samaysay hawshan iyadoon ogolaansho ka haysan IOM.  Sidaa darteed sharaxaad kasta iyo xayaysiin kasta oo ay ka bixisay sawirradani ma aha kuwo sinaba u matelaya hay’ada IOM. Hay’adda IOM masuuliyaddeedu waxaa weeye in ay ka taageerto dawlada Somaliland iyo dadkeeda waxyaabaha muhiimka ah ee ay ka mid yihiin dhinaca socdaalka iyo isku-socodka. Hay’ada IOM marna iskumay dayin, iskuna  dayi mayso hawlo ay ku dhaawacayso sumcadda dadka reer Somaliland iyo dawladda Somalialnd”

Md. Cali Siciid Raygal, Wasiirka Dib-u-dejinta, Dib-u-habayta iyo Dib-u-dhiska ee Somaliland oo ka hadlaya hay’ada IOM wuxuu yidhi “ Ilaa 2006, IOM waxay si dhaw ula shaqaysay Dawaladda Somaliland si ay u fududayso culayska ay la yimaadaan dadka muhaajiriinta ah ee qulqulaya iyadoo wacyigalin u samaysa; iyadoo fursado shaqo-abuur ah u samaysa meelaha dadku ka imanaayaan iyo halka ay sii dhexmaraayaanba; iyadoo xoojinaysa isla markaana tayaynaysa maaraynta iyo maamulka socdaalka dhinaca xadadka; iyadoo kor u qaadaysa tayada iyo xirfadaha hay’adaha waddaniga ah, iyadoo ku xoojinaysa xirfadlayda qurbajoogga ah si ay u tabobaraan shaqaalaha hay’adahaas; iyadoo u fidinaysa caawimo toos ah muhaajiriinta tabarta daran. Hay’adda IOM waxay ficil ku tustay inay wanaag u rajaynayso dadka reer Somaliland, waananu ku kalsoontahay in wada-shaqaynta iyo xidhiidhku ahaado mid sii socda.”

Wixii intaa ka faahfaahsan, fadlan la xidhiidh:

AFHAYEENKA IOM EE  KA JAWAABAY WARARKA BEENTA AH EE KU SAABSAN CARWADA LAGU SOO BANDHIGAAYO SAWIRADA EE  KA DHACAAYA TALYAANIGA: Mr. Liban Mohamoud Essa, Sarakiisha Hay’adda IOM Hargeisa  Tel: + 252 571211 +252 63 4457 455 Email:  Imessa@iom.int, Skype; Liban.mohamoud.essa

AFHAYEENKA WASAARADA DIB-UDAJINTA EE SOMALILAND EE KA JAWAABAY WARARKA BEENTA AH EE KU SAABSAN CARWADA LAGU SOO BANDHIGAAYO SAWIRADA EE KA DHACAAYA TALYAANIGA: (MRRR): Mr. Adan Abdullahi, Wasiir-ku -igeenka wasaarada dib-u-dejinta:  adandeq2@gmail.com.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.