Hayadda Innovate Venture oo Abaal-marino Gudoonsiisay Shirkadihii Dhaliyaradda ee ku Guulaystay Abaal-marinta Hal abuurka gacansi cusub

Hargeysa – (warsoor) – Hay’adda Innovate Venture ayaa abaal-marino iyo shahaadooyin gudoonsiiyey dhalinyaro ku guulaystay tartanka hal abuurka ganacsiga, tartankan oo ay isugu soo hadheen 12 shirkaddood oo dhalin yaro ah, waxaan 4 ka mid ahi ay ku guulaysteen afarta kalmood ee u horeeya waxaana la gudoonsiiyey lacag dhan $15,000.

Tartankan hal-abuurka ganacsiga waxaa iska kaashaday Innovate Venture, shirkadda Telesom, VC4 Africa,  Work line Program iyo Oxfam.

180 hal abuuryo ganacsi  oo ay soo sameeyey dhalinyaraddo aqoonyahano ah ayaa araaji u soo gudbiyey hay’adda innovate venture muddo hadda laga joogo lix bilood. 12 ka mid ah ayaa ku guulaystay in la siiyo tababaro iyo talooyin joogto ah oo la xidhiidha arimaha kobcinta ganacsiga.

9

Ugu dambayn, waxaa  Axaddii 27 November lagu soo gabo-gabeeyey huteel maansoor ee mgaaladda Hareysa munaasibad lagu kala saarayey 12-kii shirkadood ee ugu dambeeyey ee iskugu soo hadhay tartankan.

Munasibadan waxaa ugu horayn ka hadlay isku duwaha haayadda Innovate Venture Cabdale Maxamed Axmed oo ka tirsan hayadda Innovate venture waxaanu sharaxaad ka bixiyey marxaladihii uu barnaamijku soo maray, waxaanu yidhi, “Maanta waxaynu u wadda joognaa, inaad nagala soo qayb-gashaan, qaybtii uu dambaysay oo uu barnaamijkani soo gaadhay taasi oo lagu gudoonsiin doono jaa’isado iyo abaal-marino loogu talo-galay dadkii ganacsiyadoodu ka soo qayb-qaateen, marka ay fikradahooda soo bandhigaan in halkaasi lagu siiyo abaal-marino”, sidaasi waxaa yidhi Cabdalle Maxamed.

cabdale

Gudoomiyaha hayadda Innovate Venture Cabdiqani Diiriye ayaa ugu horayn u mahadnaqay shirkadihii iyo hayaddii gacanta ka gaystay barnaamijka iyo dhalinyaradda soo bandhigay fikraddaha hal-abuurka ganacsi ee tartankan ka soo qayb-galay, isagoo gudoomiyuhu arimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi, “Waxaanu muddo shan bilood ah ka wadda shaqaynaynay Telesom, Vendure Capital for Africa, Oxfam iyo Work Line Program  si aanu u aqoonsano kuwa ugu xiiso badan uguna hal-abuursan ganacsiyadda dalka. Maanta waxaydun goob joog ka noqon doontaan qaar ka mid ah  ganacsiyadii ugu casrisanaa iyo kuwii ugu hal abuursanaa. Waxaan aaminsan in badan oo ganacsiyadda la bilaabay inay noqon doonaa kuwo ka waaweynaada shirkadaha waaweyn ee Telesom iyo Dahabshiil”.

cabdiqani

Kulankan waxaa iyana ka  hadashay Annelina oo ka tirsan VC4A oo ka mid ah haayaddihii ka qayb-galay barnaamijkan hal abuurka ganacisga waxaanay ka waran tahay waxa ay haayadeedu qabto, “VC4A (Venture Capital for Africa waa hannaan lagu abuuro-ganacsiyadda afrika laga bilaabo iyo shabakad isku xidha dhamaan ganacsi-abuurayaasha Afrika. Waxaanu dunida inteeda kale ku xidhnaa, maalgashadayaasha, tababarayaasha, ganacsi-abuurayaasha iyo khubaradda ganacsiga, kuwaasi oo ka shaqeeya shirkadaha waaweyn ee Afrika”.

img_5248

Waxaa iska kulankan ka hadlay Agaasimaha Horumarinta Bulshadda ee shirkadda Telesom Cabdiwahaab Maax, waxaanu ka warbixiyey kaalinta ay shirkadda Telesom ku lahayd barnaamijkan lagu maal-galinaayey hal-abuurayaasha ganacsiyada cusub ee dhalinyadda dalka waxaanu yidhi, “Telesom ahaan horena waanu u taageeri jirnay, diyaarna waanu u nahay, mashruucanna gacan weyn baanu ka gaysanay oo lacageed, si loo horumariyo dhalinyaradeena iyo aqoontooda. Waxaanu ugu talo-galnay in dalkeena laga helo dhalinyaro wax soo saari karta, hal-abuur ganacsi samayn karta, mid tiknoolajiyadeed samayn karta, dunidana la tartami karta. Taasina waxay u baahan tahay inay dhalinyaradaasi helaan gacan ah in la tababaro oo la jiheeyo oo la tuso qaabkay wax u soo saari karaan”.

img_5249

Kulankan ugu dambayn waxaa ka hadlay Cumar Shucayb wasiirka Ganacsiga Somaliland, waxaanu sheegay sida uu u arko barnaamijkan lagu taageerayo hal-abuurka ganacsiga dhalinyaradda waxaanu yidhi, “Runti sharaf weyn bay ii tahay inaan ka soo qayb-galo xafladan loo qabtay dhalinyaradda la doonaayo in lagu maal-galiyo oo laga qayb-qaato aduunkan ay iska kaashadeen Telesom iyo Venture Capital for Afrika iyo cidkasta oo runtii dhiiri-galinaysa ganacsatadaa, aad iyo aad baanu ka wasaarad ahaan u soo dhawaynaynaa”.

wasiirka_ganacsiga

Guddi ka kooban maamulka shirkadda Telesom, hayadda Innovate iyo hawl-wadeeno kale ayaa kala saareen ugu dambayntii 12-kii shirkaddood ee isugu soo hadhay tartankan, ka dib shirkadd kastaba la siiyey 5 daqiiqo oo ay kusoo  bandhigaan qorshe gancsigooda iyo hawlihii u qabsoomay.

Tartanka waxaa ku guulaystay afar shirkadood, waxaaney kaalmaha hore u kala galeen sidan:

Kaalinta koowaad waxaa ku guulaysatay shirkadda Guri Yagleel waxaanay heshay $5,000  iyo

Muraadso waxay heleen $5,000, kaalinta  saddexaad waxaa ku guulaystay Somsite waxaanay heleen $3,000, kaalinta afraadna waxaa  ku guulaystay Hargeisa Daily Media (HD) waxaanay heleen $2,000.

13 12 10 9 8 7 6 5 4 3 2 1

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Hayadda Innovate Venture oo Abaal-marino Gudoonsiisay Shirkadihii Dhaliyaradda ee ku Guulaystay Abaal-marinta Hal abuurka gacansi cusub

Hargeysa – (warsoor) – Hay’adda Innovate Venture ayaa abaal-marino iyo shahaadooyin gudoonsiiyey dhalinyaro ku guulaystay tartanka hal abuurka ganacsiga, tartankan oo ay isugu soo hadheen 12 shirkaddood oo dhalin yaro ah, waxaan 4 ka mid ahi ay ku guulaysteen afarta kalmood ee u horeeya waxaana la gudoonsiiyey lacag dhan $15,000.

Tartankan hal-abuurka ganacsiga waxaa iska kaashaday Innovate Venture, shirkadda Telesom, VC4 Africa,  Work line Program iyo Oxfam.

180 hal abuuryo ganacsi  oo ay soo sameeyey dhalinyaraddo aqoonyahano ah ayaa araaji u soo gudbiyey hay’adda innovate venture muddo hadda laga joogo lix bilood. 12 ka mid ah ayaa ku guulaystay in la siiyo tababaro iyo talooyin joogto ah oo la xidhiidha arimaha kobcinta ganacsiga.

9

Ugu dambayn, waxaa  Axaddii 27 November lagu soo gabo-gabeeyey huteel maansoor ee mgaaladda Hareysa munaasibad lagu kala saarayey 12-kii shirkadood ee ugu dambeeyey ee iskugu soo hadhay tartankan.

Munasibadan waxaa ugu horayn ka hadlay isku duwaha haayadda Innovate Venture Cabdale Maxamed Axmed oo ka tirsan hayadda Innovate venture waxaanu sharaxaad ka bixiyey marxaladihii uu barnaamijku soo maray, waxaanu yidhi, “Maanta waxaynu u wadda joognaa, inaad nagala soo qayb-gashaan, qaybtii uu dambaysay oo uu barnaamijkani soo gaadhay taasi oo lagu gudoonsiin doono jaa’isado iyo abaal-marino loogu talo-galay dadkii ganacsiyadoodu ka soo qayb-qaateen, marka ay fikradahooda soo bandhigaan in halkaasi lagu siiyo abaal-marino”, sidaasi waxaa yidhi Cabdalle Maxamed.

cabdale

Gudoomiyaha hayadda Innovate Venture Cabdiqani Diiriye ayaa ugu horayn u mahadnaqay shirkadihii iyo hayaddii gacanta ka gaystay barnaamijka iyo dhalinyaradda soo bandhigay fikraddaha hal-abuurka ganacsi ee tartankan ka soo qayb-galay, isagoo gudoomiyuhu arimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi, “Waxaanu muddo shan bilood ah ka wadda shaqaynaynay Telesom, Vendure Capital for Africa, Oxfam iyo Work Line Program  si aanu u aqoonsano kuwa ugu xiiso badan uguna hal-abuursan ganacsiyadda dalka. Maanta waxaydun goob joog ka noqon doontaan qaar ka mid ah  ganacsiyadii ugu casrisanaa iyo kuwii ugu hal abuursanaa. Waxaan aaminsan in badan oo ganacsiyadda la bilaabay inay noqon doonaa kuwo ka waaweynaada shirkadaha waaweyn ee Telesom iyo Dahabshiil.