Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland ayaa shir ballaadhan ku daahfurtay barnaamijka dardargelinta iyo dib-u-habaynta waddooyinka

Hargeysa  – (warsoor) – Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland ayaa soo qaban qaabisay shir ballaadhan oo ay maanta isugu yimadeen dhammaan daneeyeyaasha horumarinta waddooyinka Somaliland.

 

Shirkaas oo ka dhacay hoolka Jamacada Hargaysa ayaa waxa lagu daahfuray barnaamij cusub oo lagu dardargelinayo dib-u-habayna lagu samaynayo hannaanka horumarinta waddooyinka Somaliland iyadoo ay barmaanijkaas kala kaashan doonaa Jaamacadda Hargeysa iyo ururrada bulshada rayidka ah. Waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada Gadiidka iyo Horumarinta Wadooyinka Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan, Maareeyaha Ha’yadda Horumarinta Waddooyinka Somaliland Md. Cusmaan Sheekh Cabdi Sh. Maxamed, guddiyada deegaano kala duwan oo ka shaqeeya dhisidda iyo horumarnta wadooyinka, ururrada bulshada ee la shaqeeya Hay’adda waddooyinka, injineero iyo dadka kalae ee deneeya horumarinta waddooyinka sida ganacsatada.

Ugu horrayntii waxaa halkaas ka hadlay Maareeyaha Ha’yadda Waddooyinka Somaliland, Md. Cusmaan Sheekh Cabdi Maxamed. Waxa uu sheegay in ujeeddada shirku ay tahay sidii Ha’yadda waddooyinku iyo dhammaan daneeyayaasha horumarinta waddooyinku ay wada shaqayn joogta ah oo ku dhisan wadatashi iyo isku-tiirsanaan loo wada yeelan lahaa.

Maareeye Cumaan Sheekh Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in hay’adda waddooyinku ay dooratay in ay kulan iyo kuwa la mid ahba ku qabato Jamaacadda ay tahayna in la isku xidho aqoonta iyo adeegyada bulshada loo qabanayo. Waxa uu sidoo kale sheegay Madweynaha Jamhuuriyada Somaliland ee dhammaan madaxda kale ee dawladda ku amray in aqoonta iyo adeegyada la isku xidho.

Md. Cusmaan ayaa sidoo kale ku baaqay in qurbo joogta Somaliland ay ka soo qayb qataan horumarinta wadooyinka wadanka oo ay iska day’aan canaanta iyo hadal aan waxba tarayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.