Hawl-gal dad badan lagu soo qabtay oo laga fuliyey degmada Dayniile

Muqdisho – (warsoor) – Ciidamada dawlada Soomaaliya oo ay wehliyeen kuwa midowga Africa(AMISOM) ayaa saaka  oo Talaado ah waxa ay hawl-gal balaaran ka fuliyeen degmada Dayniile gobalkan Benadir, iyadoo ciidanka gacanta ku soo dhigay qaar kamida maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Gudoomiiyaha degmada Dayniile, Axmednur Cabdi Siyaad ayaa u sheegay Wakaalada SONNA in inkabadan 300 ruux lagu soo qabtay intii uu socday hawl-galkaasi.

daynile_commisioner

“Ciidanka dawlada qaybahooda kala duwan iyo Kuwa Amisom ayaa fuliyey hawl-galka oo laga xaqiijiyey amniga, waxa uuna ka dhacay Xaafadaha Kurdamac iyo Halgan ee degmadan, Waxaa la soo xiray 313 ruux intii uu socday hawl-galka, baaritaan kadib 3 looga shakisan yahay Shabaab baa la soo qabtay, mid kamida wuu qirtay inuu Al-Shabaab yahay” sidaa waxaa SONNA u sheegay gudoomiye Siyaad.

Hawl-galkan ayaa qayb ka ah kuwa lagu sugayo amniga guud ee gobalkan Benaadir, waxa uuna imaanaya xili caasimada isu diyaarinayso iney marti geliso doorashooyin muhiim ah dhawaan.

Maxamed Cisman “Black Cobra”

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.