Haweenka Somaliland oo soo Dhaweeyey Go’aan ka soo baxay Xisbiyada

HARGEYSA – (WARSOOR) – Musharaxiinta haweenka iyo beelaha la hayb sooco ee u tartamaya Baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka Somaliland ayaa soo dhoweeey go’aan ka soo baxay madaxweynaha iyo saddexda xisbi Qaran ee Somaliland.

Waxay go’aankan oo xisbiyada kaga dhaafeen bulshooyinkan lacagihii laga doonayay, ku tilmaameen talaabo guul u ah musharaxiinta, iyagoo xusay inay culeys ku ahayd bixinta lacagahaasi.

Sucaad Ibraahim Cabdi oo ka mida isku xidhka haweenka Somaliland ee NAGAAD oo ku hadlaysay haweenka murashixiinta  lixda gobol waxaa ay sidan ku sheegtay wareysi ay siisay Idaacada VOA, Somali, waxaanay tidhi.  “Anoo ku hadlaya magaca hablaha murashixiinta ee golaha degaanka iyo golaha wakiillada ee gobollada dalka, inta joogta iyo inta maqanba waxa aanu doonayna halkan in aanu ka boggaadino go’aankii madaxweynuhu ku qaaday culayska ah in uu naga bixiyo lacagta is diwaangelinta murashixiinta, waanu uga mahad celinayna in madaxweynuhu naga dulqaado culeyska kharashka.

Waxaa kale oo aanu u mahad naqayna madaxda xisbiyada Qaranka, guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, iyo guddoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere, go’aankii ay ku qaateen iyaga iyo xisbiyadooduba inay dumarka iyo dadweynaha la habsoocaba laga daayo lacagtii diwaangelinta ee xisbiyada ku waajibay, taasina abaal iyo mahad badan ayaanu ugu haynaa, lacagtaasi culays badan ayay  nagu ahayd maadama ay dumarka culays dhaqaale iyo mid qabiil labaduba saaran yihiin, haweenka halkan isugu yimidna saddexda xisbiba waa ay ka kooban yihiin”