Hambalyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Ee Sannad Guurada 29aad ee Aas-aaska Ciidanka Qaranka JSL.

Hargeysa – (WARSOOR) -Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu dhammbaal hambalyo ah u dirayaa ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, sannad-guurada 29-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta ku beegan.

Waxaanu Madaxweynuhu ILAAHAY uga baryayaa ciidanka qaranka inuu ku guuleeyo xilka naf-huridda iyo heeganka joogtada ah ee ay dalka iyo dadkaba ay u hayaan. Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu hambalyo u dirayaa ciidanka xaasaskooda, carruurtooda iyo waalidiintooda meel kasta oo ay joogaanba.

Ugu danbayn Madaxweynuhu waxa uu illaahay uga baryayaa dalka iyo dadka Jamhuuriyadda Somaliland in sannadkan, sannadkiisa aynu ku gaadhno horumar, bash-bash iyo barwaaqo.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf DaahirAgaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.