Hambalyada Madaxweynaha ee Sannadka Cusub Ee Islaamka- Hijiriyada 1439

Hargeysa – (warsoor) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu Munaasibadda Sannadka cusub ee Islaamka 1439 (Hijiriyada) awgii taariikhda milaadiguna ay tahay 20.09.2017, uu Hambalyo, Bogaadin iyo ducaba u dirayaa Guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaan.

Sidoo kalena Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo taasi la mida u dirayaa Wadamada islaamka iyo shacbiga muslimiinta ah ee ku nool dunida dacaladeeda kala duwan. isagoo ku tahniyadaynayaa curashada sanadka cusub ee Islaamka.

Madaxweynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa in uu shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sanadkan Sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xanuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Ugu dambayna waxa uu madaxweynuhu shacbiga Somaliland ugu baaqayaa in ay nabad-gelyada iyo qarannimada dalka ilaashadaan una soo wada jeedaan oo ay indho dheeraada u yeeshaan cadawgeena, si aynu u gaadhno himiladeena qaranimo inagoo isku duuban shacbi iyo xukuumaddaba.

Wa Kullu Caam Wa Antum Bikhayr

 Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.