Halista Iyo Khatarta Ay La Kulmaan Naftood Hurayaasha Ciidanka Dab-demiska Oo Sababta Dhaawacyo Culus

Hargeysa – (warsoor) – Tan iyo markii la aasaasey CDQ waxay naftood hurayaasha Ciidanka Dab-demiska la kulmaan khatar badan oo sababta dhaawacyo Culculus marka ay ku guda jiraan badbaadinta nolosha bulshada somalilanad oo ay kala kulmaan xaalado halis badan oo kala duwan marka ay gurmadka degdega ah ku guda jiraan taasi oo keenta in xubnaha qaarkood bulshadu waxyeelo u geysato halka kuwa kalana waxyeelo ka soo gaadho gurmadka iyo samata bixinta ku dhaawacma iyaga oo gargaar u fidinaya oo soo samata bixinaya dad halis ugu jira xaalado qalafsan oo dhimasho iyo dhaawac culus sababi kara lasoo darseen balse taa badalkeeda ay xubnaha ciidanka dab-demisku la kulmaan in ku neef qabatoobaan qiiqa guryaha gubtey, ama ku dhaawacma dhismayaasha lasoo duma amase ay dhaawacyo kasoo gaadhaan xubno leydh qabsadey oo ay u gargaarayaan amase in lagula dagaalamo marka ay gaadiidka dabdemisku marayo jidadka cidhiidhiga badan oo inta waxma garatadu wadada ka xidhaan ay hadana la dagaalamaan marka ay ka codsadaan in jidka degdeg loogu baneeyo.

Dhanka kale ciidanka dab-demiska ayaa ah dhalinyaro Naftood Hurayaala isla markaana ay ka go’antahay inay u adeegaan umaddoda goor kasta iyo goob kasta, iyadoo taasi jirto ayaa ciidanku sameeyo hawlgalo adag oo u baahan dhabar adayg, geesinimo, iyo dhiiraansho kuwaasi oo kala ah Dabka, Badbaadinta Nafaha, Gaadiidka iyo wixii kale ee u baahan gurmad iyo gargaarba. Ciidanka ayaa sidaynu wada ogsoonahay aan ku koobnayn Masiibada Dabka oo kaliya balse diyaar u ah shaqo kasta oo ay u arkaan inay wax ka qaban karaanku fuliya taasi badalkeedana ma jirto dhaqaale amase kharash ay wax kaga qabtaan dhibaatooyinka halista badan ee lasoo darsa hadii ay tahey dawada iyo baxnaanada xubnaha ciidanka dab-demiska marka ay waxyeelo soo gaadho tusaale ahaan.

14.06.2017 hadaynu soo qaadano sida dhaawacyadu u kala culusyihiin waxaa dhacdo aad u foolxun Ciidanka Dab-demiska gaar ahaan Ciidanka Caasimada Hargeysa loogu geystay Xaafada Istaad Hawska ee Magaalada Hargeysa , halkaas oo ay ku dhaawacmeen saraakiil badan oo ka tirsan ciidanka dab-demiska oo halkaa ugu baxay samatabixinta masiibo dab oo laga soo sheegay Xaafadaas. Halkaasna waxaa dhaawacyo uu Ishiisa ku waayay loogu geystay Guuleed Maxamed Aadan oo ka tirsan ciidanka dab-demiska Hargeysa gaar ahaan Dufcada Labaad, waxaana Askarigani ku waayay Laxaadkiisii iyadoo Muddadaa uu dhaawaca ku jiray ilaa imikana Ciidanka Dab-demisku la tacaalayay Xaaladiisa Caafimaad Haday noqoto Daawayn iyo Baxnaanaba, Balse Haayadihii kale ee Dawlada ee ku shaqada lahaa xaalada askarigani aanay ilaa haatan wax kaalmo ah ka geysan Xaalada Caafimaad ee Askarigani. waxaa iyaduna jirta Saraarkiil kale oo ku dhaawacmay Hawlgalkaa Istaad Hawska oo ay ka mid yihiin Cabdicasii Axmed Cilmi oo dhaawacyo badan ka soo gaadheen Isha dusheeda iyo Nabaro kasoo gaadhay Dhabarka.

Dhacdada labaad waxay tahay 09.09.2017 Agaasimaha Fulinta Ciidanka Dab-demiska isla markaana ah Naftii hure ayaa waxaa uu dhaawac Culus oo Jabniin ahi ka soo gaadhay Lugta, taasi oo ay sababtay isagoo badbaadinaya Sarkaal ciidanka ka tirsan oo Shoodh laydh qabsaday oo kasoo dhacaya Bir Laydh oo aad u dheer, isla markaana markii uu Agaasimuhu badbaadiyay uu isagu ku dhaawacmay soona gaadhay dhaawac culus, balse Sarkaalkii uu Agaasimuhu badbaadinayay uu ilaahay Mahadii Badbaaday.

Sidoo kale waxaa iyaguna jira saraakiil badan oo maalin kastaba ku dhaawacma hawlgalada ciidanku sameeyo ee Maalinlaha ah, kuwaas oo cidna kaga doonayn abaal iyo Mahadnaq gaara balse iyagu si Daacadnimo ku jirta ugu adeegaya dalkoodai yo dadkooda iyo inay ajar ka helaan maalin aan maanta ahayn hawshaa ay u hayaan Qaranka.

 Halkan hoose ka Akhri Liistada Ciidanka ah ee Masuuliyiinta iyo Askartaba leh eek u dhaawacmay hawlgalada Ciidanka Dab-demisku ka hawlgalo, waxaanana halkan idiinku soo gudbinaynaa liistadii u dambaysay iyo xubnihii naftood hurayaasha ahaa ee ku dhaawacmay.

NO MAGACYADA NOOCA DHAAWACA
__________________________________________________

1 Guuleed Maxamed Aadan Dhaawac Culus
2 Agg:Cabdiqaadir Cumar Xaashi Dhaawac Culus
3 Guuleed Axmed Abshir Dhaawac Fudud
4 Maxamed Haybe Cilmi Dhaawac Fudud
5 Guuleed Maxamed Cabdi Dhaawac Fudud
6 Wardi Cabdi Aadan Dhaawac Fudud
7 Cabdicasiis Axmed Cilmi Dhaawac Fudud
8 Cumar Cabdi Xasan Dhaawac Fudud
9 Maxamed Yuusuf Odowaa Dhaawac Fudud
10 Aaamiin Ibraahim Cabdilaahi Dhaawac Fudud
11 Cabdirisaaq Maxamed Axmed Dhaawac Fudud
12 Saddaam Shiine Ismaaciil Dhaawac Fudud
13 Mawliid Maxamed Ismaaciil Dhaawac Fudud
14 Axmed Jaamac Siciid Dhaawac Fudud
15 Yaxye Axmed Jaamac Dhaawac Fudud
16 Mubaarik Xasan Nuur Dhaawac Fudud
17 Maxamed Muxumed Xiirey Dhaawac Fudud
18. Maxamed Cilmi Cali

Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL.
Hargeysa/Somaliland.
990- Emergency Call.
Hargeisafire@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.