“Haddaan Isbedel Nololeed lala Iman Tobanka Sano ee soo Socda Dalku Barakac ayuu isku Bedeleyaa.”Faysal Cali Sheekh

Guddoomiyaha hay’adda ka hortaga aafooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka Somaliland, mudane Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaa sheegay in tobanka sano ee soo socda laga cabsi qabo in dalku isu baddelo xarumo barakacayaal, isaga oo ku sababeeyay in dadku xoolihii iyo beerihii ka soo hoyden.

Waxaa kale oo uu xusay in ay saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyadaba isla markaana ay raad kaga tageen duufano kala danbeeyay oo ka dhacay gobollada dalka.

Dhanka kale waxa uu mid mid isu dul taagay degaanada ay abaarta iyo biyo la’aantu ka jirto, waxaanu soo jeediyay in qorshe Qaran laga yeesho sidii loogu diyaar garoobi lahaa.

Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay inay ku guuleysteen ka hay’ad ahaan inay sameeyaan xarumaha keydka raashinka qaranka oo laga hirgeliyay gobollada Maroodijeex, Gabilay, Saaxil iyo Togdheer.

Waxaanu guddoomiyuhu sidan ka sheegay kormeer xog ogaal u noqosho ah ay guddida joogtada ah ee golaha guurtidu ugu tageen.

Waxaana ay guddidu la yeelatay kulanno madaxda sare ee hay’adda, iyagoo ka xog waraystay shaqooyinka ay qaranka u qabtaan, adeegyada ay bixiyaan iyo wixii u qabsoomay muddadii ay jireen, waxaana ay soo kormeereen qaybaha kala duwan ee Hay’adda U Diyaargarawga Aafooyinka Keydka Raashinka Qaranku ay ka kooban tahay.

Guddoomiye Faysal Cali Sheekh ugu horrayn waxa uu ka dayriyay xaalka dalku sida uu noqon doona tobanka sano ee soo socda haddii aan qorshe Qaran laga yeelan. “Imika saddexda sano iyo badhka aanu joognay afar jeer ayay duuni dalkeena ka dhacday, markii hore lama diwaangelin jirin, amase inta badan xog ogaal looma wada ahayn, oo mar mar ayaa laga yaaba in ay dhici jirtay.

Duufaantii Sagar oo xeebaha galbeedka oo dhan ka dhacday, saameyn badan ayay yeelatay, 53 qof ayaa ku dhintay, saddex boqol oo kun oo xoolo ah ayay dishay, 9-kun oo beerood ayay waxyeelo u gaysatay, 40-dugsi ayay waxyeelo u gaysatay, 12 xarumaha hooyada iyo dhallaanka ah ayay waxyeelaysay, 12 Ceel biyood oo kuwii dhaadheera ah ayay waxyeelo u gaysatay, waddooyin faro badan ayay wax u gaysata.

Akhyaar Duufaan la yidhaaho ayaa ku xigtay, oo iyaduna xeebta barriga ka dhacday, waxa ku xigtay Bawaan mid la yidhaaho, Gatti ayaa ugu danbaysay, isbaddelkan cimilo ee adduunka ka dhacaya saameyn faro badan ayuu inagu yeeshay, oo ah nolosheeni oo dhan, abaarihii dalka soo maray in 20-kii sanoba mar dhici jireen.

Hadda si is daba jooga ah ayay u soo noqnoqonayaan abaaruhu, taasina waxa ay keen in bulsho fara badan oo miyiyadii xoolihii ka soo dhammaadeen inay barakacayaal noqdaan oo xerooyinka in badan ku jiraan, gobollada Maroodi-jeex, Togdheer, Sanaag, Sool, meelkasta oo aad marto waxa ay indhahaagu qabanayaan dad barakacay oo waddooyinka hareeraheeda yaala.

Dhibta jirta waxa weeyi in dadkeeni xoola dhaqata iyo beeraleyda ahaa inta ay Miyigii ka soo dhaadhaceen waddooyinka agtooda ay degeen iyaga oo ilaashanaya gaadhi cad, oo marka hay’addi lacag siiso kii xoolaha la joogayna uu iskaga soo dhaadhacayo, dadkaasina xalka ay u baahan yihiin waa iyada oo dib u xoolayn loo sameeyo, wixii beeralay ah in beerihii loo haggaajiyo, iskuuladii in loo dhiso, biyihiina in loo hagaajiyo, waana arrin u baahan in Qaran ahaan laga wada tashado ee maaha mid hay’add kaliya ku koobnaaneysa, marka ama xoola dhaqato halaga dhigo, ama beeraley, ama kalluumeysato waa in qorshaha xukuumad iyo dawladd iyo hay’addaba lagu darsada.

Waxa laga yaaba in tobanka sano ee soo socda in aynu khatar u galo in dalkuba xarumo barakacayaal isu-baddelo, lacagtan yar ee ay xoola dhaqatadu qaadanayaan waa caydhi Yurub oo kale, sababto ah wax bilaash ah ayuu bartay, waxaanan aaminsanahay oo aan ku dhiirigeliya hay’addaha wax bixinaya in shaqooyin ay ku qabtaan dadku wixii ay qaadanayaan”

Dhanka kale waxa uu mid mid isu dultaagay degaanada ay abaarta iyo biyo la’aantu ka jirto, waxaanu soo jeediyay in qorshe Qaran laga yeesho sidii loogu diyaar garoobi lahaa.“Haddii aan gobol gobol farta ugu fiiqo degaanada hadda abaartu ka jirto, gobolka Sool koonfurtiisa biyo yaraan ayaa ka jirta, khaasatan Qoriilay, Karin, Kala-baydh, Dharkayn-geeyo, Daba-taag, Geel-boob, Geed-dheer.

Dhinaca galbeed Adhi-cadeeye, Canjiidka Kabaalka, Tuulo-samakaab, Guumeys, Dhabansaar iyo Yagoori waxa ka jirta biyo yaraan.

Dhinaca barri Ganbadha, Tuka-raq, Higlada, Saaxo-gabagabo oo dhanka koonfureed ah iyagana waxba ka jira.

Agagaarka degmada Xudun ilaa Qabri-bayax biyo la’aan ayaa ka jirta, dhinaca Taleex, Carrooley ilaa Sarmaanyo iyagana biyo yaraan ayaa laga soo sheegayaa, oo marka horeba way qadhaadhaadaan biyahoodu inta badan.

Sanaag Koonfurta dhinaca Dabala-xagare, Kulaal, Boodacadde, Awr-boogays, Carmo, ilaa Fiqi-fuliye abaar ba’an iyo biyo la’aan ayaa laga soo sheegayaa, Ufayn, Singadheer, Shoodhe, Ceegaag, Galyaqaan, Dhamal-mac, Xamilka, God-waraabe, Beer-weyso, Laas-doomaare, Galciidle iyo Kal-sheekh biyo yaraan ayaa laga soo sheegayaa.

Gar-adag, Dhoomo, Balan-baal, Ceel-cadde, Fara-guun, Dhoobo-cantuug, Gowso Weyne, Tuur-B iyo Tuur-A, Shiisha, Kalasharka, waxa taabanaya kuleylkii oo biyo yaraan ayaa hadda bilaabmays.
Dhinaca Togdheer, Qoryaale, War-cimraan, Bali-dhiig, Gabogabo, Waraabeeye, Harada, Biyo-xidhka, Duruqsi, Shilica, Oodweyne, Xaaji-saalax, Goraya-xun, Gorayo-ood ilaa Ceeg, oo bariga ka xigta Oodweyne meelaha qaarna waa lagu kala guuray, meelaha qaarna waxa ka jira biyo la’aan.

Gobolka Awdal oo Xeebta Lughaya ah kuleyl iyo caws la’aan ayaa ka jirta.

Gobolka Maroodijeex, dhinaca Koonfurta, Faraweyne, Baligubadle, Salaxley, Sabawanaag, inta aan buurta ahayn biyo yaraan ayaa ka jirta, xagga Hawdka ayaa lagaga soo guuray oo Baadkii iyo biyihiiba waalala qaybsaday, marka xaalada abaaruhu waa ay inagu soo food leeyihiin marka waxa loo baahan yahay in Qaran ahaan aynu ka diyaargarowno”

Guddoomiyuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray, in gobollada galbeedka Somaliland ay u qaybiyeen xoolo dhan 9-kun oo neef oo dawladdu kharashaadkeeda bixisay waxaanu yidhi. “Degaanada Saylac, Lughaya, Baki iyo xeebaha kale ee gobollada Galbeedka Sagaal-kun oo neef oo xoola ah ayaanu u qaybinay, oo dawladda Somaliland ay bixisay, oo gacantayada ka hay’ad ahaan aanu ku qaybinay, cuno fara badan ayaanu gaadhsiinay, markasta oo wax la qaybinayana qorshaha waanu ku darnaa”.

Qore Khadar M. Xaashi