Hababka Maxkamadaha Sare amma Dastuuriga u Tafsiiran (racaan) Murannada Dastuuriga

Marka Maxkamadda Dastuuriga amma Maxkamadda sare ay gudanayso waajibkeeda ka saaran dib u eegista go’aannada Waaxaha kale ee dawladdu soo saaraan in ay waafaqsan yihiin dastuurka amma dastuurnimada go’aamo muram dhaliyey, waxa ay adeegsataa dhawr hab amma nooc oo tafsiirid amma macnayn ah. Waa habka ay ku soo saarto macnaha qodob amma qayb amma firqad dastuurka ku jirtaa leedahay sharciyan marka ismaandhaad sharci dhasho. Hababkaas waxa ka mid ah:

  1. Habka Xaraf-raaca (Textualism): habkan waxa tafsiirka la saara macnaha amma nuxurka qoraalka amma xaraf-raaca dhukumantiga sharci. Waxa uu awoodda saara amma ta’kiidiyaa sida erayada ku jira dastuurka loo fahansana amma looga jeeday markii la samaynaayey. Khubarada sharci ee taageersan waxa ay ku dooddaan in eray-qoraalka sharci ee dastuurku ujeeddo macneed lahaa oon loo baahnayn in lagu jahwareerro hadafka qarsoon ee sharci-dejiyayaashu ka lahaayeen amma qarsoon balse xaraf-raca uun la macneeyo
  2. Habka Macnaynta Asal-raaca ( Original Meaning): Halka macnaha eray-raacu uu ku eekaa oo kaliya dhigaalka qoraalka dhukumantiga, habkan cida ku fayshaa waxa ay aaminsan yihiin in tafsiirida la saaro dastuurku ay noqonayso uun sida ay u fahamsanaayeen qayb ka mid ah u-taaganayaasha (metelayaasha) bulshadu (xildhibaannada) xilligii samaynta dastuurka lagu guda jiray, shardiguna yahay in aannu isbeddel ku imaan fahankaas muddada kadib. Waxa ay ku doodaan in waajibka garsoorayaadha amma cid kastoo masuuliyad ka saaran tahay tafsiirkaas ay raacaan uun macnaha asal-raaceed.

3.Habka Dhacdo ugubeedka Garsoor (Judicial Precedent): Habkan waa ka ugu badan ee loo isticmaalo.macnaynta dasuurka inta xogta laga hayo, macmahiisuna waa jn maxkamadda sare dhacdada ugubka ah uga tusaale qaadato dhacdo la xaalad ah oo ay hore uga garnaqday, haddii aannay jirin wax xeer ah oo arrinta ka yaal amma xalkeeda loola noqon karo.

  1. Habka Waaqiciyada ku dhisan (Pragmatism): habkan waxa uu inta badan ku salaysan yahay in maclamaddu miisaanka saarto, iskuna dheelitirto cawaaqibka dhabta ah ee ka dhalan kara tafsiirma la saarayo xaalada marka taagan laba gooraala ba.

Waxa ma mid ah waxyaabaha miisaanka marka laa saari dhibta amma manfaca ay mustaqbal ahaan tafsiiradaas ku yeelan karto bulshada iyo laamaha siyaasiga ah ee dawladda, iyadoo la dooranayo tafsiirid horseedi karta natiijo wax-ku-ool leh amma manfac u leh danta caamka (guud) ah.

Sidoo kale, habkan waaqica ku salaysan waxa ay maxkamaduhu eegaan in garsoorku dhacdada tafsiirkeedu taagan yahay ka istaago door dhisid ah oon burbur horseedin .

  1. Habka Asbaabaynta Moralka ku salaysan (Mor Reasoning): Habkan wax lagu eegaa macnaha amma tafsiirka ay erayada amma aragtiyaha qaar ee qoraalka dastuurku ku yeelanayaan dhaqanka bulshadaas (Tusaale ahaan, u-sinaanta ilaalinta sharci “equal protection” amma adeegsiga habka sharciga “due process of law”), waana in garsoorayaashu turjumaadooda ku saleeyan marxalada dhaqan ee bulshada macnaha ay ku yeelan karaan fasiraada ay sarayaan dastuurka.
  2. Habka Asal-raaca Qawmiga: National Identity (or “Ethos”): Sababaynta tafsiir ee dastuurka ee garsoorku sameeyo mararka qaar waxa ay ku astaysan tahay hab sumad qowmi ah (National ethos), kaasoo laga duulo kala duwanaanshaha qowmiyada (isir) dalkaas ku nool iyo hay’adaha qaran si loogu ladho macnaha dastuuriga ah.
  3. Habka Qaab-dhismeedka (Structuralism): Hankan wax lagu eega waab-dhismeedka dastuurka amma naqshadayntiisa guud (Constitutional design). Tusaale ahaan, xidhiidhka ka dhaxeeya saddexda dhadhaar ee qaranka (Fulinta, Sharci-dejinta iyo Garsoorka) amma hannaanka awood-qaybsi (seperation of power) ee dastuurku jideeyey, haddii hannaanka siyaasi ee dalkaas federal yahayna waxa soo gala xidhiifhka iyo awood qaybsiga dawladda dhexe iyo ismaamuladeeda. Waxa kale oo habkan lagu eegga xidhiidhka ka dhaxeeya dawladda iyo shacabka.

8: Habka Raad-raaca sooyaalka (Historical Practices): Habkan waca tafsiirka lagu jaangooyaa raad-raaca sooyaal ee ku saabsan caadooyinka iyo waxyabaha soo jireenka ah ee bulshadaas ku dhaqmi jirtay oo sababayn looga dhigo in ay noqonayaan ilo muhiim u ah macnaynta dastuuriga ah.

Marka habkan lagu gudo jiro maxakamaduhu waxa ay sooyaalka iyo raad-raaca taariikheed u tixgeliyaan in ay yihiin ilo tix-raac oo loo celinaayo macnaynta dastuurka, gaar ahaan marka ay ka eegayaan amma su’aal sharci ka taagan tahay awood qaybsiga waaxaha dawladda amma xuquuqaha shakhsiyadeed, marka hab-qoraalka dastuurku jawaab cad amma iftiimin ka bixin waayo arrintaa/mahaa.

Waxa qoray Ibraahim Khadar