Gudooomiyaha Shirkada DPW Oo Magaaladda Dubia Ku Casuumey Waftigii Uu Hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland

Dubai – (WARSOOR) – Gudoomiyaha shirkada Dubia Port World (DPW) ayaa hadhimo sharafeed uu ku casuumay madaxweynaha iyo weftigiisa ugu sameeyay Jumeirah Emirates Towers Hotel ee magaaalada Dubia.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo waftigii uu hoggaaminayey ee socdaaka shaqo ku joogey dalka Imaaraadka carabta gaar ahaan Abu-dhabai ayaa maanta oo jimce ahayd gaadhay Magaalada Dubai ka dib markii ay marti-qaad rasmi ah ka heleen madaxa shirkada DP World,  Sultan Ahmed bin Sulayem.

Marti qaadkan ayaa ahaa mid masuuliyiinta shirka Dubia Port World ku maamuuseen wufuuda ka socda Jamhuuriyadda Somaliland, maaadaama shirkadani ay maalgalin ka samayn doonto  Dekada ugu weyn Somaliland ee Berbera, iyo jidka isku xidhi doona Somaliland iyo Itoobiya ee Berbera Corridor.

gudoomiyaha shirkada DPW Sultan Ahmed bin Sulayem ayaa kualnkaasi ka dib sheegay inuu ku faraxsan yahay in uu magaalada Dubia ku qaabilo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safarkiisii ugu horeeya ku jooga Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaanu dul istaagey qiimaha ay leedahay maalgalinta dekada Berbera iyo sida shirkad ahaan ay uga go’an tahay in ay sii xoojinayaan iskaashiga ka dhexeeyay dawladda Somaliland iyo dhinacooda.

Waxa kale oo uu Madaxda shirkada DPW, waftiga Somaliland u sharaxey in mashaariicdii ay  Somaliland ka wadeen ay kor u sii qaadi doonaa xidhiidhka istaashi ee ka dhexeeyay bulshada reer Somaliland iyo dawladoodaba.

Gabagabadii kulankana Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa madaxda shirkada Dubia Port World uga mahad celiyay marti-qaadka ay u fidiyeen waftigiisa, waxaanu madaxweynuhu kala hadley masuuliyiinta shirkadan sidii ay u dardar galin lahaayeen mashaariicda ay Somaliland ka wadaan iyo waxyaabaha Somaliland u baahan tahay in wax lagala qabto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.