Gudoomiyihii Xisbiga Waddani Ee Dalweynaha Germany Oo Xilkii Iska Casilay

Germany – (warsoor) – Gudoomiyihii Xisbiga Waddani Ee Dal-weynaha Germany Muj. Xasan Faarax Xirsi (X.Mataan) ayaa goor-dhawayd xilkii iska casilay , War-saxaafadeed uu soo saaray Gudoomiye Xasan Mataan ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

War-saxaafadeed

REF/XIS/WAD/GER/25 Tar: 06.04.2017

Ku: Gudoomiyaha Xisbiga Waddani
Mudane: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro)

OG: Hogaamiyaha Xisbiga Waddani.
Mudane: Xirsi Cali Xaaji Xasan.

OG: Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Mudane:
Maxamed Cabdilaahi Uurcade.

OG: Gudoomiyaha Qaarada Yurub
Mudane: Axmed Cali Naahi.

OG: Hogaanka Laanta Germany iyo Taageerayaasheeda.

Ujeedo: Iscasilaad (Resignation) letter

Mudane: Gudoomiye,

Laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 06.April.2017 waxaan si rasmi ah isaga casilay xilkii gudoomiyaha Laanta germany,

Iscasilaadaydu waa mid shaqsi ah, oo ay kalifeen arrimo shaqsi ah.

Waxay ahayd 26.07.2015 markii aan la wareegay masuuliyada xilkan, anigoo hawsha laanta germany kasoo bilaabay meel eber ah.

Waxa farxad ii ah in aan maanta soogaadhsiiyey kaalin muuqata oo aan wareejin doono taageerayaal iyo hogaan dhisan oo leh shuruuc iyo xeer hoosaad iyo laamo ka hawlgala gobolada dalkan germany.

Waxaan mahad gaar ah u celinayaa masuuliyiintii iyo taageerayaashii aanu mudadaa sida fiican usoo wada shaqaynay iyo hogaanka Xisbiga eenu xidhiidhka fiican lahayn intaan xilkan hayey.

Mudane Gudoomiye waxaan rajeynayaa inaad iga aqbali doontid iscasilaadaydaa, unasoo magacawdo xilka cid hanan karta inshallah.

Allaa Mahad Leh

Gudoomiyihii hore ee Laanta Germany ee Xisbiga Waddani
Hassan Farah Hirsi(Hassan Mataan)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.