Gudoomiyihii Sariflayaasha Somaliland Oo Geeriyooday

Hargeysa – (warsoor) – Allaha ha u naxariistee waxaa saaka subaxan ku geeriyooday magaaladda Hargeysa gudoomiyihii Sariflayaasha Somaliland Cabdilaahi Cali Barre.

Marxuunka oo ka mid ahaa sariflayaashi ay shalay xukuumaddu soo xidhxidhay ayaa saaka geeriyooday ka dib markii loo keenay qureec.

Geeridiisa ayaa la sheegay inay sababtay qureec uu cunaayey, waxaana isla markiiba qabatay neefta. Marxuunka ayaa si degdeg ah loola cararay cusbitaalka, waxaanay naftu ka baxday markii la gaadhsiiyey cusbitaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.