Gudoomiye Ku-xigeenkii Xisbiga Waddani oo Doorashadii Lagaga Guulaystay Ku Tilmaamay Cadaalad Daro

Hargeysa – (warsoor) – Gudoomiye ku-xigeenk xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed ayaa saaka ka baxay hoolalkii shirka golaha dhexe ee xisbiga WADDANI ka socday ee magaaladda Hargeysa, ka dib markii codayntii gudoomiyaha ka dib lagu horaysiiyey Musharaxa ka guulaystay.

Axmed Muumin Seed ayaa shir jaraa’id ku qabtay banaanka hotel Ambassador ee magaaladda Hargeysa waxaanu sheegay in doorashadii xisbiga WADDANI ay u dhacday si cadaalad daro ah. Qaar ka mid ah taageerayaashii oo boqol kor u dhaafay loo diiday inay galaan hoolka shirku ka socday.

Axmed Muumin Seed ayaa sheegay inuu yahay ninka labaad ee aasaasaha ka ahaa xisbiga WADDANI muddo 5 sanno ah uu ahaa mucaarid dhiigiisa iyo dheecaankiisa u huray xisbiga WADDANI. Md. Seed ayaa sheegay in nin aan xisbiga aasaasana ka ahayn uu sheegay inuu hoosta ku watay Gudoomiye Cirro laga dul-galiyey.

Axmed Muumin Seed ayaa ku hanjabay in xisbiga WADDANI aanu cod ka heli doonin gobolka Awdal.

Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee Axmed Muumin Seed:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.