Gudoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Xisbiga KULMIYE oo Beeniyey Inuu Jiro Loolan Hogaanka Xisbiga ah

Hargeysa – (warsoor) – Gudoomiye ku-xigeenka Labaad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere ayaa beeniyey war uu qoray mid ka mid ah wargeysyadda dalka ka soo baxa oo shaaciyey in gudoomiyenimadda xisbiga KULMIYE ay ku loolamayaan Wasiirka madaxtooyadda Maxamud Xaashi iyo Maxamed Kaahin.

Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE ayaa sheegay in aanu warkaasi waxba ka jirin, waxaanu yidhi, “Waxaan halkan ka cadaynayaa xisbiga KULMIYE loolan dhexdiisa ka socdaa oo lagu tartamaayo ama ay wasiiro ku tartamayaa.. Xisbigu dhamaan shirarkiisii uu soo qabsaday. Doorashooyinkiisii uu soo dhamaystay. Gudoomiyaha xisbiga waxaa ah Muuse Biixi Cabdi ahna musharaxa madaxweynaha, Maxamed Kaahin waxaa weeye gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE. Wadda shaqayn wanaagsan baa xukuumadda iyo xusbigooda ka dhaxaysa. Wasiirka Madaxtooyadu wuxu xoog ula shaqeeyaa xisbigiisa iyo , labaddan waanu wadda shaqaynaa, wadda shaqayn wanaagsan ayaa naga dhaxaysa.  Wax tartan oo dhexdooda ka socda habayaraatee ma jirto”.

Halkan ka daawo gudoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE shirkiisa jaraa’id:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.