Gudoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiiladda Somaliland oo Baaq Nabadeed Diray

Hargeysa – (warsoor) – Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiiladda Somaliland Md. Baashe Maxamud Faarax oo manta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ee mar labaad dagaalku ku dhex maray Dab-dheer.

Gudoomiye ayaa sheegay in loo baahan yahay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka u dhexeeya labada beelood ee ka soo wadda jeeda gobolka Sool kuwaasi oo mar kale uumaanta dagaal ku dhex maray deegaanka Dab-dheer.

gudoomiye_baashe

“Dagaalku waa soo noqnonayaa cid ku faa’iidaysaa ma jirto, nin baan walaalkii dhimanayaa, walaal kalaa sii dhimanaya. Markaa waxaan ku baaqaynaa in dagaalka ay joojiyaan, isimadda, garaadda iyo wax alle inay ka soo qayb-galaan oo lagu dadaalo sidii dabkaaa loo damin lahaa” sidaasi waxaa yidhi Md. Baashe.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka colaada sii hurinaayey inay joojiyaan oo ay ku dadaalaan sidii dadkaasi walaalaha ah la isugu soo dhawayn lahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.