Gudoomiye Cirro iyo Wefti Uu Hogaaminaayo oo U Dhoofay Maraykanka

Hargeysa  – (warsoor) –  Wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa u ambabaxay waqooyiga Ameerika, gaar ahaan dalalka Maraykanka iyo Canadda.

cirroWeftiga Guddoomiyaha oo abaarihii 11-kii maanta ka dhoofay madaarka caalamiga ee caasimadda Hargeysa, ayaa u sii jeeda magaaladda Washington DC uu ka digi doono saacaddaha inagu soo foolka leh, waxaana halkaas diyaar ugu sii ah oo ku soo dhowaynaya guud ahaan dadweynaha Somaliland u dhashay ee dhaqan Maraykanka iyo Canadda oo iyagu-na soo dhoweynta Guddoomiyahooda Baarlamaanka halkaas u imanayey maalihii la soo dhaafay.

Weftigan oo ah mid aad u ballaadhan, ayaa waxa ku wehelinayey Guddoomiye Cirro oo weftiga hogaaminaya, u tartame Musharax Madaxweyne ku xigeen Maxamed Cali Cabdi, Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), Pro Keyse Cali Geedi, Marwo Caasha Xuseen Maraykan, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Xisbiga WADDANI ee laanta dalka Ingiriiska Pro Kanadiid Cabdilaahi oo isagu ka sii raaci doona dalka Ingiriiska.

Sidoo kale, waxa weftiga ka mid ah Marwadda Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Marwo Farduus Maxamed Rooble.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.