Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Lagu Soo Dhaweeyey Magaaladda Caynaba

Caynaba – (warsoor) – Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayey isla mar ahaantaana ujeedka socdaalkiisu ahaa Wacyi-gelinta diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha deegaanada gobalka Sool la filaayo in ay ka billaabanto maalinta Axadda, ayaa galabta ay si ballaadhan oo aan kala hadh lahayn ay yar iyo weyn ba u soo dhaweeyeen boqolaal ka mid ah xoogaga taageerayaasha isbedel doonka ah ee magaalada Caynaba ee xarunta gobalka Saraar.

IMG_0788

Weftigan oo guddoomiye Cirro ay ku wehelinaayeen xoghayaha guud ee xisbigaasi, siyaasi Cali Kubad, xoghayaha arrimaha bulshada WADDANI Marwo Hinda Jaamac, xubno ka mid ah hoggaanada, guddida fulinta garabbada dhallinyarta iyo haweenka xisbigaasi, waxaana taageerayaal boqolaal ah oo la dhacsan siyaasadda suuban ee xisbiga WADDANI sida oo kale na muujinaayey kal-gacal siyaasaddeed oo ay u qabbaan xisbigaasi, ayaa ka dib socdaal lug ah oo ay guddoomiyaha ku wehelinaayeen waxa ay ku qaabteen roogga cas ee astaanta iyo haybadda sharafta u ah maamuusidda Madaxweyneyaasha.

Qaar ka mid ah taageerayaasha xisbiga WADDANI iyo shacabka magaaladdaasi oo ka hadlay barxad aad u bilan oo loo asteeyey weftigaasi in uu kala hadlo dadka, ayaa dhammaantood ba muujiyey sida ay heelanaanta ugu qabbaan xisbiga WADDANI iyo in ay meesha ka saaraan in siyaasaddoodu ay u xidhan tahay cid gaara.

“Haddaanu nahay shacabka baaxaddaas leh ee reer Caynaba, waxa aanu si kal iyo laaba u soo dhaweynaynaa weftiga SAMA-WADE ee WADDANI, haddaanu nahay reer Caynaba dhammaantayo waxa aanu heelanaan u qabnaa oo aanu taageersanahay isbedelka uu wado xisbiga WADDANI, waxaana aanu maanta u taagan nahay in aanu meesha ka saarno siyaasadda kala qoqobka ah ee Kulmiye. Waxa kale oon idiin sheegaynaa in taageerayadayadu aanay ahayn mid cid gaara u xidhan, waananu ka xunahay in xisbiga Kulmiye aanu ahayn xisbi wax-tar noo ahayn.”.Ayey yidhaahdeen qaar ka mid ah shacabkaasi.

Xoghayaha arrimaha bulshada xisbiga WADDANI, siyaasiyiin ka socotay Isbahaysiga dimuqraadi doonka ah ee xisbiga Kulmiye oo ka soo jeeda magaalada Caynaba, cuqaal iyo wax-garad kale oo halkaas ka hadlay, ayaa iyagu na dhankooda si aada u soo dhaweeyey weftiga SAMA-WADE ee xisbiga WADDANI, iyaga oo muujiyey in xisbiga WADDANI uu taageero xoogga ku haysto deegaanada gobalka Saraar, gaar ahaan magaalada Caynaba, waxa kale oo ay si aada u dureen xibsiga Kulmiye oo ay sheegeen in aanu haba-yaraatee wax wax-qabad ah soo gaadhsiin magaalada Caynaba.

IMG_0803

Siyaasi Cali Kubad oo hore u ahaa guddoomiye ku xigeenkii Komishankii hore ee Doorashooyinka Somaliland, ayaa isna dhankiisa halkaas ka hadlay, waxaana uu yidhi: “Waxa ii sharaf ah in aanu halkan Caynaba ku soo dhaweyno guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo weftiga ballaadhan ee uu hoggaaminaayo, waxa kale oon ku faraxsanahay in magaaladdii aan ku dhashay oo ah Caynaba aan idin ku soo dhaweeyo. Caynaba intan way ka yaraan jirtay, markii gobalka laga dhigeyna waxa aan islaha Kulmiye wax buu u qabanayaa se hoteelka Jaamac Karaaciin ka sameeyey oo kaliya mooyaane wax uu Kulmiye u qabtay ma jirto, run baan idii sheegayaa yee Kulmiye magaalada Caynaba waxba u muuqaban, se xisbiga WADDANI waa xisbigii wax innoo tari lahaa, waa xisbigii horumarin lahaa guud ahaan gobalka Saraar.”, ayuu yidhi Siyaasi Cali Kubad

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI iyo xoghayaha Warfaafinta WADDANI oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa dhankooda muujiyey in ay ku faraxsan yihiin sida ballaadhan ee loo soo dhaweeyey, iyaga oo tilmaamay in deegaanada gobalka Saraar ay yihiin meelaha uu sida aadka u tirsanaayo xisbiga WADDANI.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo isna halkaas ka jeediyey khudbad aad u qiimo badan, ayaa ugu horreyn waxa uu faah faahin ka bixiyey u jeedka socdaalka SAMA-WADE Sool ee xisbiga WADDANI.

“Aniga ku hadlaaya magaca weftiga SAMA-WADE ee WADDANI aan Shacabka gobalka Saraar ee degmada Caynaba uga mahad-celinayaa sida ballaadhan ee aan erayo lagu soo koobi karin ee aad noo soo dhaweyseen iyada oo shacbi ahaan aad isku duuban tihiin, waxaana aan si gaara ugu sii mahad-celinayaa dhammaanba dadkii isku hawlay suurto-gelinta hawshaas. Safarkayagu wuxu daaran yahay in aanu shacabka reer Sool iyo Saraar ba aanu kala qeyb-galno bilowga diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland siddii aanu hore ba u soo marnay deegaanadii kale ee Somaliland ee ay ka soo qabsoontay diiwaan-gelinta. Marka fariinta aanu shacabka reer Saraar iyo Sool ba u sidnaa waxa ay tahay in la is diiwaan-geliyo oo cod inaga baaqdaa aanu jirin, goballadu way tartamayaan, degmooyinku way tartamayaan, markaa haddii aad degmo tihiin, haddii aad gobal tihiin iyo haddii aad reer Sool tihiin ba intii naba waxa aanu idiin ku baaqaynaa in cod inaga baaqda oo qaan-gaadh ahi aanu jirin oo xaq u leh in uu is diiwaan-geliyaa aanu jirin.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.