Gudoomiyaha xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Ujeedda Shir uu Kaga qab-galaayo Ingiriiska

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna  musharax  Madaxweyne ee Xisbi  Mucaaradka ah ee  WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa ka haddlay socdaal uu isniinta  beri ah ugu baxayo dalka ingiriiska, gaar ahaana magaalada London, iyadoo uu musharax Cirro uu martiqaad rasmi ah ka helay xarunta lagu falaqeeyo Siyaasada ee loo yaqaano Chatham House, halkaasi oo uu Musharax Madaxweyne ee Xisbi Muacaradka WADDANE Dr Cabdiraxmaan Cirro ka jeedin doono khudbad dheer oo aad u  qiimo badan, taasi  oo ay madax badin ka soo qayb-geli doonto dhegeysigeeda.

Musharax  Xisbi Mucaaradka WADDANI Dr C/raxmaan Cirro  oo maanta wareysi gaar ah siinayey Tv-ga HCTV, ayaa faah-faahin ka bixiyey ujeedda socdaalkiisa  uu beri ugu kicitimayo dalka ingiriiska , waxaanu  sheegay inuu marti qaad rasmi ah ka helay xarunta lgu falaqeeyo siyaasada ee loo yaqaan  Chatham House ee ku taala magaalada London, isagoo sheegay inuu ka jeedin doono khudbad uu kaga haddlayo  Jamhuuriyada Somaliland marxaladii kala duwanaa ee ay soo martay iyo xaalada abaareed ee hadda ka taagan iyo geedi socodka dimuqaraadiyada somaliland iyo doorashooyinkan “Waxaan marti qaad rasmi ah ka helnay guriga  Arrimaha siyaasada lagu falaqeeyo ee loo yaqaano Chatham House  ee ku yaala magaalada London oo inta badan lagu martiqaado siyaasiyiinta iyo madax-da dowladaha .”Ayuu yidhi Musharax Dr Cirro.

Dr C/raxmaan Cirro oo  haddalkiisa sii wata ayaa  ka haddlay nuxurka iyo qodabada  ugu mihiimsan khudbada uu ka jeedin-doono xarunta Chatham House “Arrinta aan ka haddli doono ee ugu mihiimsani waa arrinta Somaliland iyo geedi socodka dimuqraadiyada Somaliland  gaar ahaan doorashooyinka  iyo abaaraha. “Ayuu yidhi Musharax Cirro.

Gunaanadkii Musharax Cirro ayaa haddalkiisa ku soo gunaanaday”Anniga wax shaqsi ah oo wey inay ii noqon ma qabo, lakiin magaca Somaliland  baan ku socdaa oo aan ku matelayaa , markaa Somaliland magac ayey u tahay in mid kamid ah caruurteedu uu ka qayb-galo, doodaha halkaasi “ Xarunta caalamiga ah ee Chatom Hose “lagu qabto, waxa lagaga haddlayaana ay Somaliland tahay iyo iibinteeda & qadiyadeed iyo taariikhdeeda , dad badan ayaa maqli doona Somaliland oo aan hore u maqal, waxay guud ahaan u tahay Somaliland magaca iyo maamuuse”Ayuu yidhi Musharax Cirro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.