Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo Kormeeray Badhtamaha Suuqa Hargeysa

HARGEYSA – (WARSOOR) – Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, oo ay weheliyaan qaar kamid ah masuuliyiinta Xisbiga UCID, ayaa maanta socod lug ah ku maray badhtamaha magaalada Hargaysa.

Gudoomiyaha ayaa booqday Dhismaha tiyaatarka Hargaysa.

Ugu dambayn, Gudoomiyuhu wuxuu mid kamid ah maqaaxiyaha shaaha wakhti kula qaatay qeybaha bulshada, gaar ahaan dhalinyarda.

Gudoomiyaha ayaa dhalinyarada uga warramay xaaladda dalka, isagoo ku dardaaray in ay aqoontooda kobciyaan, isla markaana yeeshaan go’aanka codaynta marka ay doorasho timaado.