Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Gaadhay Ceel-Afwayn, Si Uu Uga Qeyb Qaato Dadaallada Lagu Daminayo  Cooladda Ceel-Afwayn  .  

Hargeysa – (warsoor) – Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaaa saaka soo gaadhay Deegaanka Ceel Af-wayn Ee Gobolka Sanaag .

Waxaanu Gudoomiyuhu qeyb ka noqonaya Dadaalada lagu daminayo Colaadda Soo noq-noqotay ee u dhaxaysa Beelaha Walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay Deegaankaasi.

Gudoomiyah Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa hadalo ka jeediyay, Shir jaraa’id ay si wada jir ah u qabteen Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Mudane C.raxman C.laahi Saylici, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin iyo Xubno kale oo wasiiro ah .

Waxaanu Gudoomiyhuu carrabka ku adkeeyay sida cadawgu uga faa’idaysan karo colaadda ka dhex oogan gudaha Dalka, isagoo beelaha dirirtu dhex martayna ugu baaqay in aanay daminta coladdan iyo wada hadaladda aanay ku xidhin wax shuruud ah .

Gudoomiyaha ayaa geesta kale hoyga ay Ceel afwayn ka degen-yihiin Culimada waawayn ee ka qeyb qaadanaysa Nabadeenta ku booqday, waxaanu alle uga baryay in uu alle ku guuleeyo hawlaha nabadeenta ee ay ceel afwayn u yimaadeen Culimadaasi  .

Ugu dambayn Waxaa uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Galabta ka qeyb galay kulankii kowaad ee ay isugu yimaadaan, ergada isaga kala timid Gobolada Somaliland ee isugu jirta Culimada iyo Madax dhaqameedka iyo Guddida Nabadeenta Ceel-afwayn .

https://youtu.be/nz7dTPmmMM0

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.