Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ee KULMIYE Oo Baaq U Diray Dadka Dagaalamay Deegaan Gobolka Sool ah

Hargeysa – (warsoor) – Gudoomiyaha Xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Yoonis ayaa war-saaxafadeed uu soo saaray gudoomiye xisbigaas oo uu baaqay bulshadda Deegaanka Dharkayn-geeye ee gobolka Sool.

muuse

War-saaxafadeedkan ayaa u dhignaa sidan:

“Waxaan halkan baaq nabadeed uga dirayaa dadka walaalaha ah ee dagaalku ku dhexmaray deegaanka Dharkayn-geeye ee Gobolka Sool in ay joojiyaan colaadda.

Xisbiga KULMIYE wuu ka xunyahay dadka muwaadiniinta ah ee dhexdeena ku dhintay, waanuna ka tacsiyadaynayaa qoysaska iyo qaranka ay ka baxeen dadka ku naf-waayey shaqaaqadaas oo aynu Alle uga baryeyno inuu u naxariisto, kuwa dhaawacnay uu siiyo caafimaad. Xisbiga KULMIYE wuxuu dareemayaa xannuunka ay leedahay colaadda sokeeye, sababtoo ah qof kasta oo ku geeriyooda waa ruux ka baxay qaranka Somaliland, waanna kugu dhimay oo kaa dhimay.

Xisbiga KULMIYE wuxuu xasuusinayaa beelaha walaalaha ah ee dagaallamaya in sida diinteena suubbani ina farayso, dadnimada iyo ehelnimaduna tahay in la joojiyo fidmada, wixii dhibaato ahna si miyir-qab iyo nabad ah lagu xalliyo.

Qaran ahaan ummadda reer Somaliland, dawladda, xukuumad ahaan iyo shacbiba, waxa innagu waajib ah in aynu ka gurmano colaaddan oo la kala dhexgalo dhinacyada dagaallamaya si aan dhiig dambe u daadan.

Somaliland waxaynu ku soo caano-maalnay in aynu dhibaatooyinkeena ku furdaamino wadahadal, wadatashi iyo isu-tanaasul, maantana waxa innagu waajib ah inaynu dhiigga daadanaya joojino oo dhibaatadu aanay halkaas dhaafin.

Sidaas darteed, waxa waajib innagu wada ah in aan rasaas nool la isku adeegsan marka khilaaf yar yimaad, balse, wax kasta ha laga horaysiiyo wanaaga, walaaltinimada iyo in si miyir qab ah loo xasiliyo, iyadoo mar kasta mudnaanta la siinayo ilaalinta nafta qofka bani’aadamka ah.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.