Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Oo Dhambaal Tacsi ah U Dirtay

Hargeysa – (warsoor) – Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE  ayaa dhambaal hambalya ah u diray shacbiga iyo xukuumadda Jabuuti munaasibadda maalinta xoriyadda dalkaasi ee 27 June.

Wareegto ka soo baxday xafiiska afhayeenka xisbiga KULMIYE Oo uu ku saxeexan yahay Md. Xasan Gaafaadhe ayaa u dhignayd sidan:

Gudoomiyaha-Muuse-Biixi-Kulmiye-23

“Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca hay’adaha xisbiga ee kala duwan waxa uu ku hambalyeynayaa Madaxweynaha, dawladda iyo shacabka dalka Jabuuti 39 guurada ka soo wareegtay maalinta xornimadooda ay qaateen Faransiiska 27 June 1977.

Guddoomiyuhu waxa uu ku bogaadinayaa dawladda iyo shacabka reer Jabuuti guusha ballaadhan ee dhanka horumarka ay ka gaadheen muddada ka soo wareegay intii ay xorta ahaayeen.

Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in guud ahaan ummadda Somaliland oo iyaguna ku guda jira xuska sannad-guurada 56 aad ee ka soo wareegtay maalinta xornimadooda 26-kii June 1960 ay sidoo kale la wadaagayaan walaalahooda Jabuuti farxadda xornimada, maadaama labada dawladood iyo shacab ee walaalaha ah uu ka dhexeeyo xidhiidh qoto dheer oo walaalnimo.

Ugu dambayntii, Guddoomiyuhu waxa uu u rajeynyaa dawladda iyo ummadda reer Jabuuti inay sannadka, sannadkiisa ku gaadhaan guul iyo barwaaqo.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.